Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo booqasho shaqo ku tagay Galmudug, ayaa iftiimiyay xaaladda bini’aadantinimo ee sii kordheysa, isagoo sheegay in ka badan 600,000 oo qof oo ku sugan Galmudug ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah xilli ay hoos u dhacday taageerad deeqaha.
Swan oo ka hadlayey Shir jaraaid oo ay wada qabteen isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa ku baaqay in madaxda Soomaaliya, deeq-bixiyeyaasha, iyo Qaramada Midoobay ay mudnaanta siiyaan dadka ugu nugul.
“Waxaa muhiim ah in madaxda Soomaaliyeed, deeq-bixiyeyaasha, iyo Qaramada Midoobay ay si degdeg ah u mudnaanta siiyaan dadka ugu nugul si ay gargaar u helaan.” Ayuu yiri Swan.
Swan waxaa uu intaaas ku daray in Qaramada Midoobay ay si adag ugu taagan tahay kaalmaynta dadka u baahan gargaar.
Swan ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ay ka wada hadleen qorshayaasha doorashooyinka deegaanka ee tooska ah. Swan ayaa ku adkeystay in geedi socodka doorashadu uu noqdo mid ka kooban, talo-siin iyo ku saleysan heshiis ballaaran si ay u muujiso rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Galmudug oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in ay Qaramada Midoobay ay ka wada hadaleen kulanka Dhawaan la filayo inuu muqdisho ka dhaco ee looga arrinsano xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Caqabadaha uu wajahayo.