Monday, September 16, 2024

Taariikhda ciidanka badda ee Itoobiya

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray agaasimihii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Cabdiraxiim Warsame

Itoobiya waxaa loo qaybiyaa Afar marxaladood Taariikhdeeda Ciidan badeed inta ay jirtey, taariikhdaas ayaan si kooban u soo qaadan doonaa waana sidan:

Marxaladda koowaad. (Imperial Ethiopian Navy 1955-1974)

Qaybta koowaad waa bilowgii dhismaha Ciidanka badda ee Itoobiya. Marka ay ahayd taariikhda 1950, Itoobiya waxay heshay dakedo iyo xeebaha badda cas, kadib go’aankii kasoo baxay UN-ka ee ahaa in Eritrea lagu daro dalka Itoobiya. Itoobiya wakhtigaas waxaa ka talinayey boqortooyadii Haile Selassie oo ahyd Imperial. Boqor Haile Selassie wuxuu ku dhaqaaqay dhisidda cudud ciidan badeed inuu ka unko xeebaha badda cas, bacdamaa uu heley badda. Sanadka markuu ahaa 1955 waxaa xariga laga jarey dhismaha Ciidanka badda Itoobiya oo loo bixiyey Imperial Ethiopian Navy.

Saldhigii ugu horeeyey ee ciidan badda ah waxaa la oran jirey Haile Selassie Naval Base oo la dhisay 1956 waxayna heleen markabkii ugu horeeyey ay ku howl-galaan 1957, 1958. Ciidanka badda boqortooyada Itoobiya wuxuu noqdey ciidan madax banaan oo xoogan lana siman ciidanka kale ee xoogga hoostagana taliyaha guud ee Ciidanka.

Tababarrada iyo aqoonta waxay ka heleen dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka. Boqortooyadii Ingiriiska waxay ku lahayd kuliyad Ciidanka ah Eritrea ka hor intaysan la midoobin Itoobiya, halkaas oo ay ka heleen kaadir hogaamiya ciidanka badda Itoobiya. Halka Mareekanka uu u soo direy markab ay ku tababartaan magacii iyo astaanta Mareekanka waxaa loo badalay Itoobiya wuxuuna joogay mudo 31 sano ah.

Afar xarumood oo saldhig ah ayaa loo sameeyey ciidanka badda Itoobiya, magaalada Massawa waxay noqotay xarunta dhexe ee laga hago Gaadiidka badda iyo saldhig tababar. Asmara waxaa laga dhigay xarun Akadeemiyada badda ah iyo saldhig diyaaradaha ciidanka badda. Asab waxaa laga dhigay xarun cilid bixin iyo fududeyn agabka iyo saadka. Dahlak Islands waxay ahayd xarunta xiriirka guud meel istiraatiiji ahna kutaal.

Haile Selassie xukunka waa laga tuurey boqortooyadii waa burburtay 1974 waxaa timid marxalad kale oo labaad ee xukunka ay lawareegeen shuuciyadda.

Marxaladda labaad ( Communist era 1974-1991)

Xukunka shuuciga waxaa hogaaminayey Mangistoo Haile Mariam, oo madax ka ahaa golaha xukuumadda, wuxuu badalay jihadii reer gabeedka oo wuxuu aadey bari, Midowga Soofiyeetkana waxay siiyeen taageero dhanka dhismaha Ciidanka badda ah, iyagoo abuurey saldhigyadii ay ka tagtay boqortooyada, tababaro isdaba joog ah layli saraakiil ayuu u sameeyey iyo qalabayn. Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya Midowgi Soofiyeetka waxa uu ka baxay Soomaaliya wuxuuna u guuray Itoobiya, halkaasna waxay ka heleen fursad iyadoo uu ka abuurey saldhigyo Magaalooyinka Asmara, Asab, tirada ciidankana kor ayuu u qaaday, inkastoo uu dhawac culus kasoo gaarey jabhaddii EPLF ee reer Eritrea, madama jabhadda dhulkaas ay aad u joogtay waxayna ka burbureyeen maraakiib iyo gaadiid dagaal, ilaa uu awoodi waayey ciidanka badda inay si buuxda uga qayb noqdaan dagaalkii 1977 ay lagaleen dalkeena. Waxaa dhacday oo taariikhda ku xusan in ciidankeena badda intay Berbera kabaxeen magalada Asab, maraakiib Soofiyeetka ay lahaayeen oo hub wadey inay dhawac u gaysteen madama difaaca baddooda uu daciif ahaa.

Dhammaan magaalooyinkii saldhigyada u ahaa waa laga qabsadey Ciidanka badda Itoobiya, waxaana lawareegay EPLF, Asmara waxay uga carareen 14 doon dagaal oo gacanta jabhadda galay 1991, wixii soo haray waxay u carareen Jabuuti, Sacuudiga, Yeman, maraakiib iyo doonyo kale way dageen mudadii uu dagaalka socday oo dheeraatay.

Marxaladda Sedexaad: End of the Ethiopian Navy (1991–1996)

Itoobiya waxaa looga adkaaday dagaalkii sokeeye ee ay waday jabhadda EPLF, Eritrea waxay qaadatay xoriyad iyo madax banaani gooni ah, Itoobiya waxay noqotay dal aan lahayn dekedo ay u madax banaan tahay oo ay kusoo xirtaan Gaadiidkeeda dagaal badeed, waxayna u qaxeen gaadiidkoodii dagaal badeed dalka Yeman dakedo kuyaal.

1993 dowladda Yeman waxay cayrisay maraakiibtii Itoobiya, dowladda Itoobiya waxay Eritrea weydiisatay inay qayb ka kareyso xeebaheeda way diiday, hadana dhinac Sedexaad ayaa labadoodaba usoo jeediyey inay kala qaybsadaan gaadiidka badda loona qaybiyo labo, madama hal dal isku ahaayeen markii hore, Eritrea soo jeedintaasna waa ka hortimid, waxayna sheegtay inay si iskeed ah u sameysanayso Ciidan bad, waxay usoo hayaamisay dhanka Jabuuti gaadiidkii dagaal badeed, iyadoo qaybna kaga soo tagtay Yeman cillado jiro awgood.

Itoobiya waxay maraakiibteeda joogeen Jabuuti ilaa 1996dii, waxaa lagu yeeshay kiradii joogitaanka dakedda Jabuuti mudadaas lama bixin, wax jawaab ahna waa laga waayey kadib Jabuuti waxay qaadatay in la xaraasho. Eritrea ayaa baayacday inay wada iibsato ayey damacday dhammaan, balse afar uun bay ka iibsatay 10kii kale waa ay xaraashtay Jabuuti bacdama lacag lagu leeyahay dowladda Itoobiya.

Itoobiya waxaa u badbaaday hal laash patrol boat GB-21oo dhulka lamareyey waxaana lageeyey laagta Tana wuxuuna sii jirey ilaa 2009, wuxuuna noqday gaadiidka kaliya u haray Itoobiya. Itoobiya waxay go’aan ku gaartay inay xarunta ciidanka badda la xiro ee Addis Ababa, sidaas ayaana Itoobiya ku noqotay ciidan aan bad lahayn.

Marxaladda Afaraad ( dib u Noolaynta Ciidanka badda 2018– ilaa hadda.)

Bartamihii 2018, Ra’iisul Wasaaare Abiy Axmed ayaa u yeeray khuburo difaac wuxuuna u sheegay inay muhiim tahay in la abuuro ciidan badeed oo Itoobiya leedahay, si amniga iyo jiritaanka Itoobiya loo ilaaliyo, ma sheegin goobta iyo meesha uu saldhig kadhiganayo. 2019 ayuu abuuray xarun ciidanka badda ah wuxuuna kasameeyey xaruntaas Gobolka Amxaarada, caasimaddiisa Bahar dar, Taliyaha ciidanka waxaa loo magacaabay Rear Admiral Kindu Gezu, 20 January 2020kii. Ninkan oo katirsan Golaha sare ciidanka difaaca Itoobiya.

Abiy Axmed wuxuu March 2019 Heshiis la saxiixdey Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ah in loo abuuro Itoobiya ciidan badeed. Heshiiskaas ayaa kadhacay Addis Ababa, dowldda Faransiiska waxay ku maalgalinaysay heshiiska 100m oo dollar waxayna bilowdey tababarkii iyo dhaqan galkii heshiiska balse Abi Axmed wuxuu duulaan ku qaaday Gobolka Tigrayga oo ay kataliso xukuumaddii hore nimankii TPLF, taas oo ay Faransiisku joojiyeen heshiiskii, madama reer galbeedka ay kasoo horjeesteen dagaalkaas.

Hadaba Itoobiya waxay mudo afar sano ah wadey inay muhim tahay inay hesho marin biyood oo Ciidan oo iyada leedahay awoodeeda, xurmaheeda cilmi baarista waxay kusoo celeclinayeen dood ah Itoobiya xaq ayey u leedahay inay hesho bad iyo marin biyood, mudadaas waxay kujireen meesha ay wax ka heli karaan uguna fudud sida ay is tustay, madama dalalka kale oo idil ay ku badbaadsan weydey Maraakiibteedii qaybtii ugu dambeysayna loo qaatay madax furasho, kowdii January 2024 ayaa lagu waa bariistay is-afgarad aan sharciyad ku dhisnayn inuu la galo Maamulka Soomaaliland.

Qoraal dambe ayaan kasameyn doonaa Heshiisyada ay horey ula gashay dowladaha Xeebaha, Ganacsi iyo Gadiidka badeed ee badeecadaha qaada oo ay leedahay, Dekadaha qalalan ay sameysatay Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here