Jabuuti, –Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay ayaa shalay lagu qabtay magaalada Jabuuti, taasoo lagu xusay dhameystirka tababarka ee dufcaddii 22-aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaasoo tababar gaar ah ku qaatay dalka Jabuuti.
Xafladdan ayaa muujisay muhiimadda ay leedahay iskaashiga amniga ee gobolka iyo taageerada joogtada ah ee beesha caalamku siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha hay’adaha ammaanka.
Agaasimaha Guud ee Booliska Jabuuti, Cabdiraxmaan Cali Kahin, ayaa si diirran u soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Saciid Nuux Xasan, saraakiil ka tirsan booliska Jabuuti iyo wakiillo ka socday ciidamada Talyaaniga ee ku sugan Jabuuti.
Taliye xigeenka Booliska Soomaaliyeed, Cismaan Cabdullaahi Maxamed, oo ka hadlay madasha, ayaa si weyn ugu mahadceliyay dowladaha Jabuuti iyo Talyaaniga, isagoo sheegay in tababarkani sare u qaaday xirfadda iyo aqoonta ciidamada Soomaaliyeed.
“Maanta waa maalin farxad leh. Waxaan hambalyo u dirayaa ciidamada cusub ee Dufcadda 22-aad oo si rasmi ah u dhammeystay tababarkooda, kuna soo biiraya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,” ayuu yiri Taliye xigeen Cismaan.
Dufcaddan 22-aad ee ka tirsan qeybta Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed ayaa noqonaysa tii ugu dambeysay ee tababar lagu siiyo gudaha dalka Jabuuti, iyadoo ay horey uga faa’iideysteen dufcado kale.
Wakiillo ka socday howlgalka Talyaaniga ee “MINITI” oo gacan ka geystay bixinta tababarka ayaa iyaguna ka hadlay xafladda, iyagoo ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada dhanka amniga ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya