Thursday, July 17, 2025

Uganda oo ka fiirsaneysa joogitaanka Soomaaliya

Kampala(Dawan) —Muhoozi Kainerugaba, oo ah taliyaha ciidamada Uganda kana mid ah dadka saameynta ku leh siyaasadda dalkaas, ayaa soo jeediyay in dalkiisu dib uga fiirsado joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya.

Hadalkan ayuu soo dhigay baraha bulshada X  Arabacadii isagoo si dadban u sheegay in Mareykanka uu wada wada hadal sir ah oo uu la yeelanayo ururka Al Shabaab sidaasna loo baahan Uganda dib uga fiirsato joogitaanka ciidamadeeda ee Soomaaliya.

Muhoozi ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, gaar ahaan X (Twitter), ku yiri:

“Waxaan maqalnay in Mareykanku bilaabay wada hadallo sir ah oo uu la leeyahay Al Shabaab. Waxaan ku dhiirrigelin doonaa Taliyaha Guud inuu tixgeliyo in si buuxda ciidamadeena Soomaaliya looga saaro kadib 18 sano.”

Si kastaba ha ahaatee, Muhoozi ma uusan raacin xogta halkaa laga helay iyo wax caddeyn ah oo ku saabsan sheegashadiisa, mana jiraan wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ama dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegaya in wadahadal noocaas ahi uu jiro.

Uganda waxay ciidamo usoo dirtay Soomaaliya sanadkii 2007, iyadoo hormuud u ahayd howlgalkii AMISOM (Hadda AUSSOM ah ). Waxay ahayd dalkii ugu horreeyay ee ciidamo u diro si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana ay weli ka mid tahay dalalka ugu badan ee ciidamada ku leh Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here