Jabuuti (Dawan)- Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa muujisay inay korortay tirada muhaajiriinta Itoobiya ee u gudbaya dhanka Jabuuti sanadkan 2024. Muhaajiriintan ayaa inta badan ka gala Jabuuti xuduudaha Balho, Galafi, Dikhil, iyo Cali-Sabiix.
Intii u dhaxaysay bilaha June iyo October 2024, tirada la diiwaangeliyey ee muhaajiriinta ayaa korortay 26%, iyadoo tirada bishii June ahayd 18,000 waxayna bishii October gaartay 22,600. Guud ahaan, hay’addu waxay diiwaangelisay in 184,720 qof ay Jabuuti galeen sannadka 2024, taas oo ah koror dhan 82% marka loo barbardhigo isla muddadaas sannadkii hore.
Warbixinta IOM ayaa sidoo kale tilmaantay tirakoob faahfaahsan oo ku saabsan dadkaas, iyadoo sheegtay in 69% ay yihiin rag, halka 25% ay yihiin haween. Carruurtu ayaa ka dhigan 6%. waxayna u kala qaybsamaan 4% oo ah wiilal, halka gabdhuhu ay yihiin 2% tirada guud.
Kororka tiradan ayaa loo arkaa in uu muujinayso culeysyada ka taagan xaaladda nololeed ee Itoobiya, kuwaas oo sababay in dad badan ay u qaxaan Jabuuti si ay u helaan fursado iyo nolol ka wanaagsan tan dalkooda ka jirta ama ay uga sii gudabaan dalal kale.
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay xoojiyaan taageerada dadka muhaajiriinta ah iyada oo si gaar ah wax looga qabanayo waddooyinka halista ku ah noloshooda.
Bishii October ee lasoo dhaafay, laba doon ayaa ku degay xeebaha Jabuuti iyada oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 45 tahriibayaal ah.