Wednesday, April 2, 2025

Trump oo safarkiisa ugu horreeyay ku tegaya Khaliijka

By Sayyid Omar

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in uu safar rasmi ah ku tegi doono Bariga Dhexe toddobaadyada soo socda, taas oo noqon doonta safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo markii uu xafiiska la wareegay muddo xileedkiisa labaad.

Trump oo warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in uu booqan doono dalalka Sacuudiga Qatar iyo Imaaraadka Carabta. Sidoo kale waxa uu xusay in safarkiisu uu ku dari karo dalal kale, balse faahfaahin dheeraad ah ma uusan bixin.

“Waxaan xiriir aad u wanaagsan la leeyahay Bariga Dhexe,” ayuu yiri Trump, isagoo intaas raaciyay in booqashadiisu ay muhiim u tahay maalgashiga Mareykanka.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa bishii January ee sanadkan ku dhawaaqay in Sacuudigu qorsheynayo in gudaha Mareykanka uu ku maalgashado $600 bilyan afarta sano ee soo socota.

Trump ayaa sheegay in safarkiisu dhici karo bisha soo socota ama wax yar kadib. Wuxuu horey u soo jeediyay inuu la kulmi karo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, inta uu joogo Sacuudiga si ay uga wada hadlaan nabadda Ukraine, inkastoo aan la xaqiijin in qorshahaasi qeyb ka yahay safarka uu Isniintii shaaciyay.

Trump safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda muddo xileedkiisii hore waxa uu ku tegay Bariga Dhexe, isagoo bishii May 2017 booqday Sacuudiga iyo Israel. Safarkaas kadib, wuxuu u gudbay Talyaaniga, ka dibna waxa uu tegay Belgium si uu uga qayb galo shir madaxeedka NATO.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here