Sunday, October 6, 2024

Tuunis… M/w dalka, saaxibkiis iyo maxbuus ayaa ku tartamaya doorashada

Tunisia (Dawan)- Tunisia waxaa maanta oo Axad ah loo dareeray doorashada madaxtinimada iyadoo uusan jirin mucaarad xooggan oo ka soo horjeeda madaxweynaha talada haya Qays Saciid oo la saadaalinayo inuu markale si fudud ugu guuleysan karo doorashada.

Qays Saciid oo ah khabiir dhanka Dastuurka ayaa ka taqalusay dhammaan xisbiyadii xoogaana ee ka jiray Tuunis, sida Al-nahda iyo shakhsiyaadkii mucaaradka ahaa muddadii shanta sano ahayd ee uu xilka hayay.

Doorashada waxaa ku tartmaya kaliya seddex murashax oo kala ah Madaxweyne Qays Saciid oo 66 jir ah, Suhair Al-Maghzawi (59 jir) iyo Cayaashi Samaal oo 47 jir kuna jira xabsi.

Tirada codbixiyaasha ee isdiiwaan galisay ayaa dhan 9 milyan 753 kun iyo 217 qof kuwaas oo ka codeyn doona ilaa 5 kun oo goobood inta u dhaxaysa 08:00 ilaa 18:00 ee wakhtiga maxaliga ah.

Dalku waxa uu galay jaahwareer siyaasadeed tan iyo sannadkii 2021, xilligaas oo Madaxweyne Qays Saciid uu bilaabay inuu soo saaro awaamir ka dhan ah hay’adaha garsoorka iyo baarlamaanka taas oo ugu dambeyntii keentay inuu kala diro Baarlamaanka sidoo kalena isbedel ku samaayo dastuurka.

Tirakoobka Human Rights Watch ayaa tilmaamaya in, in ka badan 170 qof loo xiray arrimo siyaasadeed.

Qays Saciid ayaa helay ku dhawaad ​​73% codadkii la dhiibtay doorashadii 2019-kii oo heerka ka qaybgalka uu gaaray 58%.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan natiijada hordhaca ah Arbacada soo socota, iyada oo ay suurtagal tahay in ka hor lagu dhawaaqo natiijada maadaama aan la filanaynin tartan adag.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here