Wednesday, August 13, 2025

UK iyo Premier Bank oo iska kaashanaya taageerada arday Soomaaliyeed

Muqdisho(dawan)– Safaaradda   UK ee Muqdisho iyo Premier Bank Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo hoos tagaya barnaamijka deeqda waxbarasho ee Chevening ee UK, kaas oo lagu taageerayo hal arday oo Soomaaliyeed ,si uu ugu barto shahaadada Master-ka ee halka sano ah , gudaha dalka ingiriiska sannad-dugsiyeedka 2025/2026.

“tani  waxay caawin doontaa arday Soomaaliyeed oo leh hibbo, inuu helo waxbarasho heer caalami ah oo UK ah, isla markaana uu ku biiro shabakadda caalamiga ah ee hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, isagoo dalkiisa ugu soo laabanaya aqoon iyo xirfad uu saameyn waarta ku yeesho,” ayuu yiri Safiirka Boqortooyada Midowday ee Soomaaliya, Charles King.

Maamulaha Guud ee Premier Bank Soomaaliya, Dr. Maxamed Ghedi Jumale, ayaa yiri: “Waxaan ku faanaynaa inaan door ku yeelanno fududeynta helitaanka waxbarashada sare iyada oo loo marayo deeqda Chevening. Taageerada hibada Soomaaliyeed waa maalgelin mustaqbalka dalkayaga, waxaana rajeynaynaa inaan aragno wax-ku-oolka uu qofkan deeqda helay ku soo kordhin doono.”

Tan iyo markii laga hirgeliyay Soomaaliya, barnaamijka Chevening wuxuu taageeray in ka badan 100 aqoonyahan  oo Soomaaliyeed oo wax ku bartay UK. Barnaamijkan, oo ay maalgeliso Xafiiska Arrimaha Dibadda, Iskaashiga iyo Horumarinta ee UK (FCDO) iyo hay’adaha iskaashiga la leh, ayaa bixiyaa shahaadooyinka Master-ka ee hal sano ah dadka leh awoodda hoggaamineed ee ka socda in ka badan 160 dal .

Heshiiska cusub daraadiisa, Premier Bank wuxuu bixin doonaa qayb ka mid ah kharashaadka waxbarashada ee ardayga Soomaaliyeed ee la xusho. UK iyo Premier Bank ayaa dhiirrigelinaya  iskaashiyo dheeraad ah oo lagu maalgelinayo waxbarashada iyo horumarinta hoggaaminta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here