Monday, August 18, 2025

Soomaaliya oo dhistay urur mideynaya ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe

Muqdisho (Dawan ) – Shir lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho maanta ayaa lagu doortay guddoomiyihii ugu horreeya ee “Ururka Ganacsatada Yaryar iyo Kuwa Dhexe.” Abdimajiid Axmed Maxamed ayaa ku guuleystay hogaanka kadib tartan dhacay maalinkii labaad ee shir saddex maalmood socday oo ay ku loolamayeen saddex musharax.

Xubno matalayay in ka badan 120 ganacsi oo ka kala yimid gobollada dalka, sida ay sheegtay wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, ayaa ka qeyb galay doorashada. Wasaaraddu waxay sheegtay in ururkan cusub uu yahay mid buuxinayo shuruudo ku xiran ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika.

“Waxay ahayd mid ka mid ah shuruudaha ku xiran inaan ku biirno Bulshada Bariga Afrika, oo iyagana waddan walba leh ururkaan camal, kana howlgala waddamada dhan,” ayuu yiri Cabdirisaaq Xasan Yuusuf, Agaasimaha Waaxda Ganacsiga iyo Horumarinta Suuqyada.

Ganacsatada ka qeyb gashay ayaa sheegay in ururkaan uu noqonayo difaac iyo cod mideysan oo ay ku wajahaan caqabadaha canshuuraha iyo sharciyada cusub.

Hadda waddanka waa isbedelay, dowlad ayaa timid, nidaam ayaa yimid, shuruuc ayaa timid, canshuuro xad dhaaf ah ayaa timid. Sidee marka? Protection ayey u baahnaayeen. Ururkan marka wuxuu noqonayaa protection-ka ganacsatada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdi Naafic Xirsi Cali, ganacsade.

Tartanka hoggaanka oo ay galeen saddex musharax ayaa ku dhammaaday wareegga koowaad, iyadoo Abdi majiid Axmed Maxamed loo doortay guddoomiyaha ururka cusub.

Magaalooyinka kala duwan ee dalka ayuu ururkan cusub xafiisyo ka yeelan doonaa, sida uu dhigayo xeerka ururka. Sidoo kale, hoggaanka cusub ayaa sheegay in ururka uu noqon doono mid madax bannaan oo dhaqaalihiisa soo saarta.

Ururkan wuxuu noqon doonaa urur gaar ah oo ganacsatada yaryar ay leeyihiin. Wixii lacago iyo isku filnaasho ah ayagaa isku tiirsanaan doono, insha Allah,” ayuu yiri Abdimajiid Maxamed Maxamuud.

Dhismaha ururkan waxaa maalgelin iyo farsamo ahaanba taageeray hay’adaha caalamiga ah sida UNIDO iyo Cowater, si loo xoojiyo awoodda ganacsatada Soomaaliyeed ee suuqa gudaha iyo kan caalamiga.

Kumanaan ganacsi oo mid walba maamul iyo milkiile gooni ah leeyahay ayaa horay caqabad ugu qabay hubinta tayada badeecadahooda. Hay’adda Tayodhowrka Qaranka ayaa sheegtay inay arrintan fududeyn doonto ka dib dhismaha ururka cusub.

Waxaa noo fududaanaya, meeshii awal ay ahayd inaan ganacsi walba si gooni ah loo raadiyo, inaan helno hal meel oo aan kala xiriiri karno, oo fariinta si fudud u gaarsiin karno, anagoo nahay Hay’adda Tayodhowrka Qaranka,” ayuu yiri Cabdirisaaq Xuseen Aadan, Agaasimaha Xuduudaha iyo Dowlad Goboleedyada ee hay’adda.

Ururkan cusub oo xafiisyo ku yeelan doona magaalooyinka dalka ayaa la rajeynayaa inuu cod mideysan u noqdo ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe, isla markaana Soomaaliya ugu diyaargaroobo ka qeybgalka carwada ganacsiga ee Bulshada Bariga Afrika ee Kenya lagu qaban doono bisha November.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here