Dooxa (dawan)-Hogaamiyayaasha dalalka Carabta iyo iskaashiga Islamka ayaa ku baaqay in dhamaan dalalka ka soo qeyb galay shirka degdega ahaa ee Doha ka dhacay in ay dib-u-eegista ku sameeyaan xiriiradda diblomaasiyadeed iyo dhaqaalaha, iyo bilaabista dacwado sharciyeed oo ka dhan ah Israa’iil.
War-murtiyeed ka soo baxay shirka shalay ayaa ugu baaqay dhammaan dalalka ururadaan ay qaadaan tallaabooyin sharciyeed iyo siyaasadeed oo waxtar leh si looga hortago Israa’iil inay sii wado talaabooyinka ka dhanka ah dadka Falastiin.
Talaabooyinka waxaa ka mid ah: Taageerada lagu joojinayo isla xisaabtan la’aan weerarada Israa’iil, in cunaqabateyn lagu soo rogo Israa’iil, joojinta doofinta hubka iyo hubka soo soo dhexmara dalalkaan oo loo wado Israa’iil, dib-u-eegista xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaalaha, iyo bilaabista dacwado sharciyeed oo ka dhan ah Israa’iil.
“Waxaan dhamaan dalalka ugu baaqeynaa inay qaadaan dhammaan tallaabooyinka sharciyeed oo waxtar leh si looga hortago Israa’iil inay sii wado ficiladeeda ka dhanka ah dadka Falastiin” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ku baaqay in dalalka xubnaha ka ah OIC ay “baaraan xubinnimada Israa’iil ee Qaramada Midoobay iyadoo la eegayo xad-gudubyada ee shuruudaha xubinnimada iyo iska indhatirkeeda joogtada ah ee go’aannada Qaramada Midoobay, iyagoo balan qaaday in isku dayi doonaan in la hakiyo xubinnimada Israa’iil ee Qaramada Midoobay.
War-murtiyeedka ayaa u xil saaray “dalalka xubnaha ka ah OIC ee ah saxiixayaasha Xeerka Roma ee Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah inay taageeraan fulinta amarada soo qabashada oo ay soo saartay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah 21 Nofeember 2024 ee ka dhanka ah kuwa falalka danbiyga ah u geystay dadka Falastiin