Monday, September 1, 2025

Wafdi Ciidanka Masar ah oo Muqdisho u yimid indho-indheyn

Muqdisho (Dawan) – Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay in wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Masar ay soo gaareen magaalada Muqdisho, si ay u sameeyaan indho-indheyn ka hor inta aan la keenin cutubyo ciidan oo Masar ah oo qeyb ka noqon doona AUSSOM.

Sida uu sheegay howlgalka, wafdiga waxaa hoggaaminayay Islam Radwan, waxaana soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

AUSSOM ayaa tilmaantay in wafdiga uu kulan la qaatay hoggaanka howlgalka oo uu madax ka yahay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, isla markaana ay ka qeyb galeen warbixin amni oo lagu qabtay xarunta taliska AUSSOM ee Muqdisho.

Sidoo kale, howlgalka ayaa sheegay in wafdiga Masar uu kormeeri doono xarumo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho iyo deegaano hore loo qorsheeyay, si loo qiimeeyo xaaladaha saadka iyo goobaha lagu dejin doono ciidanka. Socdaalkani wuxuu daba socdaa go’aankii Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo ansixiyay ka qeybgalka Masar ee AUSSOM.

Safarku wuxuu yimid maalin kadib markii Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ay ku dhawaaqday in saraakiisha difaaca dalka ay kulan la yeesheen ku xigeenka gaashaandhigga safaaradda Masar ee Muqdisho, Ahmed Fathi Abdelsatar Al-Husseini, si ay uga wada hadlaan ka-qaybgalka ciidamada Masar ee AUSSOM iyo xoojinta iskaashiga difaaca.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here