Jabuuti (Dawan) – Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI) ayaa Talaadadii sheegtay in Shirkadda Isgaarsiinta Jabuuti ay qorsheyneyso inay sii fidiso xargaha isgaarsiineed ee fiber-optic ah oo hoos mara badda, oo ay gaarsiiso Koonfur Afrika sanadka 2028, taasoo qayb ka ah qorshaha lagu xoojinayo isku xirnaanta gobolka iyo sidii Jabuuti loo dhigi lahaa xarunta dhijitaalka ee qaaradda.
Sida ay sheegtay Wakaaladda , qaybta cusub ee xadhigga oo dhererkiisu u dhaxeeyo 3,200–3,500 km ayaa isku xiri doonta Kenya ilaa Koonfur Afrika, iyadoo sii maraya saldhigyo dhulka ah oo ku yaalla Tanzania, Mozambique, iyo Madagascar. Shaqada dhismaha ayaa la filayaa inay bilaabato 2026, iyadoo la qorsheynayo in la dhammeeyo 2028.
Jabuuti Telecom ayaa sheegtay in ballaarintani ay muhiim u tahay kordhinta awoodda nidaamka internet-ka, dhimista dib-u-dhaca (latency), iyo abuurista waddooyin cusub oo xogta loogu kala gudbiyo Bariga iyo Koonfurta Afrika. Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in ciladihii dhowaan dhacay ee ku dhacay xargaha EASSy iyo SEACOM bishii May 2024 ay muujisay muhiimadda adkeynta shabakadda. “Adkeynta shabakadda ayaa noqotay mudnaanta koowaad ee Bariga Afrika,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan Djibouti Telecom oo u sheegay Wakaaladda.
Sida ay sheegtay Wakaaladda, Jabuuti waxay ku maalgelisay in ka badan $200 milyan dhowr xarig badeed ah oo muhiim u ah, taasoo xoojisay kaalinteeda ah marin internet oo muhiim u ah Itoobiya iyo dalalka kale ee aan badda lahayn. Mashruucan ayaa sidoo kale qayb ka ah Barnaamijka Isdhexgalka Dhijitaalka ee Gobolka Bariga Afrika, oo uu taageerayo Bangiga Adduunka.
Nidaamka xargaha Djibouti Telecom ayaa markii ugu horreysay shaqada galay 2021. Waxaa ka bilaabmay Jabuuti, waxaana hadda isku xira Berbera, Bosaso, Muqdisho, iyo Mombasa. Waxaa lagu dhisay taageerada Hormuud Telecom Somalia, Somtel International, iyo Telkom Kenya, sida ay sheegtay Wakaaladda.