Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa beenisay in la hakiyay duulimaadyadii isaga gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Arrintan ayaa timid kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in la joojiyay duulimaadyadii u bixi jiray magaalada Baydhabo.

Kenya

Waaxda socdaalka Kenya ayaa ku dhawaaqday in hadda kadib ay muwaadiniintu ku heli doonaan muddo toban maalin ah kaarka aqoonsiga . Qorshahan cusub ayaa hirgeli doona bisha soo socota

Mali

Xoogag hubeysan ayaa maanta weerar ku qaaday xarun lagu tababaro ciidamada oo ku taal magaalada Bamako ee xarunta dalkaas.

Qaraxyo xoogan iyo is rasaasayn muddo socotay ayaa laga maqlay subaxnimadii hore ee maanta xaafado badan oo ka tirsan magaalada Bamako , sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters

Togo

Dowladda Togo ayaa ka mamnuucday ardayda dhammaan dugsiyada hoose/dhexe iyo sare inay taleefoonnada gacanta ah isticmaalaan xilliga ay joogaan goobaha waxbarashada.

UN

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sii wada kulamada looga doodayo dhulka Falastiin ee ay Israel xooga ku qabsatay. Waxaa la filaya in qaraar arrintan ku saabsan loo codeeyo muddo 6 bilood gudahood ah.

Shiinaha

Duufaantii ugu xooga badneyd muddo 75 sano ah ayaa burbur xoogan ka geysatay qeybo ka mid ah dalka Shiinaha iyadoo xarunta dhaqaalaha ee Shanghai ay tahay magaalada ay soo gaartay saameynta ugu badan.

Hindiya

Boqolaal ka tirsan shaqaalaha shirkadda Samsung faraceeda Hindiya ayaa ka mudaaharaadaya mushaar yari soo wajahday.

Rwanda

Guddiga doorashada Rwanda ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan natiijada doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Rwanda. 32 musharax ayaa ku tartamaya 26ka kursi ee uu ka koobanyahay golaha aqalka sare ee dalkaas.

Falastiin

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen tan iyo markii uu billaawday dagaalka Gaza in ka badan 41 kun iyo 226 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 95 kun iyo 413 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 705 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 708, halka dhaawacana lagu sheegay 4,445, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here