Friday, October 18, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay barnaamijka Badmaal, oo diiradda saaraya taageeridda bulshooyinka xeebaha iyo horumarinta maareynta Kalluumeysiga ee guud ahaan dalka iyo isku-xirnaanta iskaashatooyinka kalluunka, si ay uga faa’iideystaan khayraadka badda

Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee Itoobiya, Taye Atske Selassie oo shalay la wareegay xilkaas.

Jigjiga

Waxaa la billaabay soo goynta daligii Bariiska ahaa ee lagu beeray Gobolka Sitti ee Dowlad Deegaanka Soomaalida

Burkina Faso

Ra’iisul wasaaraha Burkina Faso , Apollinaire Kyelem de Tambela ayaa booqan doona Moscow, halkaas oo uu kaga qayb qaadan doono madasha dhaqaalaha , wuxuuna la kulmi doonaa dhiggiisa Ruushka Mikhail Mishustin.

Kenya

Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa ka dooday maanta mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua oo lagu eedeeyay musuq iyo wiiqidda howlaha dowladda.

Koonfur Afrika

Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa bilaabay baadigoobka 8 nin oo oo dilay lix qof afar kalena ku dhaawacay toogasho ka dhacday gobolka Eastern Cape. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay toddobaad uun ka dib markii 18 qof sidan oo kale loogu dilay isla gobolkaas.

Kuuriyada Koonfureed

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagi doona dalka Singapore, taasoo qayb ka ah booqasho uu ku marayo saddexda waddan ee Koonfur Bari Aasiya.

Burkina Faso

Burkina Faso ayaa hakisay howlaha idaacada Voice of America ee laga leeyahay Mareykanka muddo seddex bilood ah, sababo la xiriira wararkeeda ku saabsan kooxaha hubeysan ee ku sugan Galbeedka Afrika.

Congo

Ku dhawaad ​​hal milyan oo qof oo ku nool Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa sanadkan ka barakacay guryahooda, sida uu sheegay madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay .

Zambia

Zambia ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Shiinaha si loo dhiso warshaddii ugu horreysay ee soo saarta tallaalka daacuunka.

Yurub

Midowga Yurub ayaa qorsheynaya inuu cunaqabatayn cusub ku soo rogo Ruushka sababo la xiriirka tillaabooyiinka ay qaaday dowladda Ruushka ee ka dhanka ah ururka iyo dalalka xubnaha ka ah.

Faransa

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska, Bruno Ritello, ayaa sheegay inay ka hor istaageen Cumar oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee ururka Al-Qaacida, Osaama Bin Laadin inuu soo galo dalkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here