Thursday, December 5, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Xasan Sheekh oo digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyey in ay ka digtoonaadaan la macaamilka kooxaha argagixisada ah. Xasan Waxa uu caddeeyey in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada in laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.

Diyaar garowga xil wareejinta Somaliland

Golaha wasiirrada Somaliland ayaa dib u eegis ku sameeyay doorashooyinkii qabsoomay iyo diyaargarowga waqtiga kala guurka ah ee xil wareejinta.

DDS: Qoysas danyar ah oo loo qeybiyay lacag

460 qoys oo danyar ah ayaa magaalooyinka Hargeelle iyo Jarrati loogu qaybiyay lacag gaadhaysa 3,542,000 oo bir. Caawinta qoysaskan waxaa waxaa iska kaashaday Ururka Horumarinta Soomaalida iyo hay’adda Oxfam.

Madaxweynaha Kenya oo saxiixay xeerka ismaamullada lagu siinayo 387 bilyan oo shilin

Dowladaha ismaamullada ee Kenya ayaa heli doona lacag dhan 387 bilyan oo shilin, ka dib markii madaxweyne William Ruto uu saxiixay hindise sharciyeedka qaybsashada dakhliga ee dowlad deegaannada.

Namibia oo yeelatay madaxweyne dumar ah

Namibia ayaa markii horeysay yeelatay madaxweyne dumar ah. Natiijada ku meel gaarka ah ee lagu daabacay website-ka rasmiga ah ee guddiga doorashada ee Namibia (ECN) ayaa muujinaysa in musharaxa xisbiga talada haya, Netumbo Nandi-Ndaitwah, inay ku guuleysatay doorashada madaxtinimada ee dalkaas ka dhacday 27kii November.

Jahwareerka siyaasadeed ee Koonfurta Kuuriya

Axsaabta mucaaradka ee Kuuriyada Koonfureed, ayaa u gudbiyay golaha baarlamaanka xindisa sharciyeed xilka looga xayuubinayo madaxweynaha dalkaas, Yoon Suk-yeol, kadib markii uu dalka kusoo rogay xaalad militeri.

Wada-hadalka Labada Suudaan

Hoggaamiyaha Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan, ayaa maanta oo Arbaco ah booqasho rasmi ah ku tagay Magaalada Jubba ee Koonfuurta Suudaan.

Iskaashiga laba geesoodka ah iyo xal u helidda dagaalka ka socda Suudaan ayaa ka mid ah qodobada waaweyn ee ay kawada hadlayaan madaxda labada dhinac.

143 qof oo cudur cusub ugu dhintay Congo

Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa soo bandhigi doonta warbixin ku saabsan cudur cusub oo sababay dhimashada 143 qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here