Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Soomaaliya oo markale eedeyn culus u jeedisay Itoobiya
Dowladda Soomaaliya ayaa markale ku eedeysay Itoobiya inay magaalada Kismaayo kasoo dejisay laba diyaaradood oo siday saand ciidan iyo hub. Ilaa iyo hadda dhanka Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Itoobiya kama soo bixin war la xiriira dhacdadaan.
Tahriibayaal Soomaaliyeed oo laga sii dayay xabsiyada Suudaan
Dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif ayaa ugu dambeyn xilay xoriyadooda, sida ay sheegtay safaaradda Soomaaliya ee Suudaan. Dhallinyaradan oo tiradoodu tahay 22 qof oo wiilal iyo gabdho isugu jira ayaa markii hore la qabtay iyagoo ku socday qaab tahriib ah.
Natiijada doorashadii Somaliland oo lagu wareejiyay Gudiga Diiwaangelinta
Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta Natiijadii Doorashada ee Xisbiyada Qaranka, u gudbiyey Gudiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axaabta Qaranka.
Xildhibaan Xasan Firimbi oo lagu sameeyay shaqa joojin
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaqa joojin laba bil kusoo rogay Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo fal gacan qaad ah 27-kii Bishii November u geystay Askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka. Sidoo kalena waxaa ganaaxyo isugu jira jeris gunno iyo ka joojin fadhiyada Golaha lagu riday Xildhibaano lagu soo eedeeyay is horistaagidda hab sami u socodka howlaha Golaha Shacabka.
Mudahaaradyo rabshada wata oo ka socda Mozambique
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhaawacantay iska horimaad dhexmaray booliiska Mozambique iyo dad mudaaharaadayaal ah oo kasoo horjeeda doorashadii muranka dhalisay ee dalkaas ka dhacday 9-kii October. Dadka mudaaharaadaya ayaa dab qabadsiiyay laba dhismo oo dowladeed, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliiska.
Madaxweynihii Suuriya oo baxsady
Kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda Suuriya ayaa maanta ku dhawaaqay inay rideen madaxweyne Bashaar Al-Asad kadib markii ay la wareegeen caasimadda Dimishiq.
Lama oga meesha uu ku suganyahay Bashaar ilaa iyo hadda balse waxaa jira warar sheegaya inuu dibadda u baxsady.
Tirinta codoka doorashada Ghana oo socota
Dalka Ghana, waxaa ka bilaabatay tirinta codadka doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka, iyada oo rajo laga qabo inuu yimaado isbedel wax ka qabta arrimaha dhaqaalaha.
Waxaa tartamaya 12 musharax balse waxaa ugu cad-cad madaxweyne ku xigeenka dalka Mahamudu Bawumi oo ka tirsan xisbiga talada haya iyo madaxweynihii hore ee John Dramani Mahama oo ka tirsan xisbiga National Democratic Party.