Saturday, May 10, 2025

Wararka dunida oo kooban

Muqdisho

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar, ayaa warbaahinta u sheegay in roobabkii ka da’ay Muqdisho habeenkii xalay ilaa saakay ay sababeen dhimashada 7 qof — oo labo kamid ah ay yihiin dumar —burburka 9 guri, biyaha oo saameeyay guryaha ku dhawaad 200 qoys, iyo burburka 6 waddo oo muhiim ah.

Addis Ababa 

 Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika ayaa adkeeyay iskaashiga ka dhexeeya ee ku aaddan horumarinta beeraha Afrika, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray hirgelinta Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP).

Muqdisho

 Hay’adda Education Cannot Wait (ECW), oo ah sanduuqa caalamiga ah ee waxbarashada xaaladaha degdegga ah iyo dhibaatooyinka daba dheeraada, ayaa ku dhawaaqday deeq cusub oo gaaraysa $17.1 milyan si waxbarasho tayo leh loogu fidiyo in ka badan 43,000 oo carruur ah oo Soomaaliyeed kuwaasoo ay saameeyeen dagaallo, abaaro, iyo barakac.

Hargeysa

Madaxweynaha Soomaalilan, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), ayaa ku dhawaaqay aasaaska Sanduuqa Daryeelka Agoonta,

Madaxweynaha ooo daahfurayay maalinta iskaashiga shacabka Soomaaliland ayaa  sheegay in tallaabadan tahay mid  lagu xoojinayo mas’uuliyadda  Soomaliland  ee daryeelka carruurta agoonta ah.

Pakistan

Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Ishaq Dar ayaa sheegay in Pakistan iyo Hindiya ay ku heshiiyeen xabbad joojin degdeg ah, wasiirka ayaa   tilmaamay in Pakistan ay mar walba ku dadaaleysi nabadda iyo amniga Gobolka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here