Friday, May 23, 2025

Wararka Dunida oo Kooban

Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo ay tahay 15-ka May 2025 u buuxsantay saddex sano tan iyo markii mar kale loo doortay xilka hoggaanka dalka, kaddib doorashadii dhacay 15-kii May 2022 oo uu kaga guuleystay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Muqdisho

Magaalada Muqdisho maanta waxaa  lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu xusanayo 15 may , maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, oo lagu maamuusay 81 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL).

Kismaayo

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka  Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada,

Madaxtooyada jubaland ayaa sheegtay in kulankaas  diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyada oo si gaar ah loo falanqeeyay khataraha isa soo taraya ee dib u dhigi kara hanaanka dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Soomaaliland  ayaa  sheegtay in aysan  Cafis ufidin doonin  18 May 15, 2025 Maxaabiista dagaaalka lagu sooo qabtay , wasiirka arimaha Gudaha Somaliland  ayaa sidaas maanta sheegay, Kadib banaanbax  ka dhacay Magaalada Burco.

Muqdisho

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta  yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay  heshiis is-afgarad milatari iyo amni oo dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Sacuudiga, kaasoo ay golaha  ay  usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Muqdisho

Xildhibaano Katirsan Labada aqal ee BJFS  oo tiradoodu kor udhaafeyso 100 Xildhibaan ayaa soo saaray  war-Saxaafadeed ay  ay ku sheegayaan in  Madaxweynaha Soomaaliya uu burburiyay Madashii wadatashiga Qaran,  kadib markii uu horay ula dagaalay puntland iyo Jubaland, intii soo hartayna uu ku qasbay in  Xisbigiisa  ey xubno ka noqdaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here