Friday, May 30, 2025

Wararka Dunida oo Kooban

Muqdisho:

– Daahir Maxamuud Geelle, oo horey u ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta, ayaa maanta u xaqiijiyey warbaahinta Dawan inuu iska casilay xilkaas, isla markaana noqday afhayeenka rasmiga ah ee mucaaradka Soomaaliya.

Geelle ayaa xilka ka tagay xilli magaalada Muqdisho ay ka socoto shirka mucaaradka oo socon doona muddo saddex maalmood ah, kaasoo looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka iyo go’aannada mucaaradka.

Muqdisho:

Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa 28-kii bishan si rasmi ah uga hadlay eedeymo la xiriira habka ay ku wadaan diiwaangelinta codbixiyayaasha, gaar ahaan ardayda jaamacadaha Muqdisho,

guddiga doorashooyinka, ayaa sheegay in jaamacadaha qaarkood ay codsadeen in guddigu ugu tego xarumahooda, si loogu fududeeyo diiwaangelinta ardayda.

Muqdisho:

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa si adag uga digtay iskuulada inay ardayda ka qaadaan wax lacag ah oo la xiriirta imtixaanaadka qaranka ama kaarka aqoonsiga waxbarashada. Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta, Cabdullaahi Cabdi Cumar, ayaa sheegay 28 May 2025 in lacagahaas ay sharci darro yihiin isla markaana aan la aqbali doonin.

Nairobi:

Mareykanka iyo Kenya ayaa si wadajir ah magaalada Nairobi ugu furay Shirweynaha Taliska Ciidamada Afrika 2025 kaasoo socon doona 28-29 May 2025, iyadoo la isugu keenay hoggaamiyeyaal sare oo ciidan oo ka socda ku dhawaad 37 dal oo Afrikaan ah si ay uga wada hadlaan caqabadaha ammaanka ee guud ahaan qaaradda.

Godeey:

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) Ibraahim Cusmaan Faarax iyo Wasiirka Wasaaradda Waraabka iyo Dhulka Joogiisu Hooseeyo ee Dowladda Federaalka Itoobiya,  Abrahaam Belay, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray tuulo casri ah oo loogu talagalay dib-u-dajinta bulshada xoolo-dhaqatada ah ee magaalada Goday.

Warsaxaafadeed ay wadajir usoo saareen dalalka; Spain, Ireland, Slovenia, iyo Norway, waxaa ay ku baaqeen in Falastiin loo oggolaado xubinnimada buuxda ee Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here