Wednesday, July 16, 2025

Wararka Dunida oo Kooban

Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-hishiisiinta Soomaaliya ayaa Talaadadii si adag u cambaareysay dagaalkii ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag. Wasaaraddu waxay soo saartay baaq xooggan oo ku saabsan in Madaxweynaha Puntland uu joojiyo howlgalada millatari ee xaaladda ka sii daraya. 

Muqdisho

 Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) ayaa si rasmi ah u shaaciyey bilaabista hanaanka ruqsad-siinta Hay’adaha Maaliyadeed ee Amaahda bixiya balse aan bixin adeegyada keydka lacageed,kaddib ansixintii Sharciga Hay’adaha Maaliyadeed ee la meel mariyey bishii May 2025.

Muqdisho

Wafuud ka socotay Kooxda Taageerada Doorashada ee Isku-dhafan ee Qaramada Midoobay (IESG) ayaa booqatay xarunta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) Talaadadii.

Afgooye

In ka badan 8,000 qof ayaa ka barakacay dhowr tuulo oo ku yaal degmada Afgooye ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaddib iska horimaadyo xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.

Addis Ababa

Xukuumadda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigtay 82 qof oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ISIS, kadib baaritaan ballaaran oo la sameeyay ku saabsan howlaha kooxda ee Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here