Garoowe
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka jawaabay eedeynta ka timid Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo ku saabsan in Puntland ay afduubtay markabka MV Sea World, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaas kuwo aan sax ahayn oo aan sal lahayn.
BerBera.
Dowladda Imaaraadka ayaa ka daahfurey Somaliland mashruuc guryo dhisid ah oo qiimihiisu yahay qiyaastii $7.5 milyan), sida ay sheegtay wakaalada Wararka Imaaraadka Arbacadii.
Baydhabo.
Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah xarigga uga jartay 23kii bishaan dhismayaal cusub oo casri ah oo loogu talagalay Wasaaradaha Cadaaladda iyo Amniga Gudaha. Xarummadan oo laga dhisay meel istiraatiiji ah oo ku taal magaalada Baydhabo ayaa loo habeeyay si ay ugu fududaato wasaaradaha bixinta adeegyada bulshada.
Jigjiga.
Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ansixisay miisaaniyad gaaraysa $1.2 bilyan oo doolar (65.7 bilyan oo birr) ee sanadka 2018 tirsiga Itoobiya. Miisaaniyaddan ayaa la ansixiyay intii lagu guda jiray kalfadhiga Golaha Fulinta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Arbacadii.