Wednesday, May 28, 2025

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Abukar Osman

Muqdisho

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa dowladda ku eedeyey in ay bulshada caasimadda kala soocayso, isla markaana qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho la dudsiinayo xuquuqdoodii deggennimo.

Nairobi

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa xaqiijisay in furitaanka xafiis wakiilnimo oo Somaliland ku yeelan rabto Nairobi 27-kii May 2025 aanu suurtagal ahayn, isla markaana dowladda Kenya aysan oggolaan.

Jabuuti

Wasiirka Gaadiidka jabuutu, Xasan Xuumad Ibraahim, ayaa 26 May 2025 si rasmi ah u daahfuray mashruuc cusub oo lagu horumarinayo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika, kaasoo cinwaankiisu yahay “Horumarinta Isdhexgalka Dhaqaalaha Goboleed ee Geeska Afrika iyada oo loo marayo Waddada Jabuuti”.

Muqdisho

Xisbiga Himilo Qaran ayaa shaaca ka qaaday in 26 May 2025 ay kulan miro-dhal ah la yeesheen Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Alper Aktaş.

Qoraal kasoo baxay xisbiga ayuu ku sheegay in kulanka ay kaga wada hadleen xaaladda guud ee dalka, taageerada dowladda Turkiga, muranka doorashooyinka, iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan ee Soomaaliya ka dagaallama.

Muqdisho

Xisbiga Himilo Qaran ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku cambaareynayo isku-dayo uu sheegay in guddiga doorashooyinka uu ku cadaadinayo hay’adaha waxbarashada ee Muqdisho.

Jigjiga

Masuuliyiinta Maxkamadda Guud ee Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa booqasho ugu tagay in 300 oo arday oo ku xareysan Jaamacadda jigjiga, Masuulinyiinta iyo madaxda Jaamacadda Jigjiga ayaa kulan wadajir ah la yeeshay ardaydaan ka tirsan jaamacadda kuwaas oo ku jira barashada culuumta sharciga.

Somaliland

Abbanduulaha 1aad ee Ciidanka Somaliland, Sarreeya Guuto Cabdidirisaaq Siciid Bulaale (Afguduud), ayaa maanta si rasmi ah ciidamadii ugu dambeeyay ee madaniga ahaa ee dhawaan lagu daray ciidamada Somaliland u kala diray, dugsiyada tababarka ee kala duwan ee ku yaalla gobolka Oog iyo guud ahaan bariga Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here