Sunday, September 8, 2024

Wareysi: Garsoorka dalku ma yahay mid madax bannaan?

Muqdisho (Dawan)- Dib u doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud kadib dowoladdu waxay xoogga saartay laba arrin marka laga soo tago dagaalka Al-Shabaab. Dhamastirka Dastuurka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa waxa ay ahaayeen arrimihii ugu xooga badnaa ee ay dowladdu gelisay dadaal badan labadii sano ee lasoo dhaafay.

Dastuurka waxaa la dhamastiray afarta cutub ee ugu horeysa, inkasta oo ay Puntlnad iyo qaar ka mid ah siyaasiyiintu ka biya diideen. Dhanka musuqmaasuqa waxaa maxkamad lasoo taagy saraakiil dowladeed oo lagu eedeeyay kiisas la xiriira lacag dhunsasho, been abuur dukumenti iyo ka faa’iideysiga awood xileed inkasta oo wax dembi ah lagu waayay intii ugu badneed.

Barnaamijka Ogaal iyo Aragti, waxaan ku marti qaadnay, Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud si ay shacabku wax badan oga ogaadaan siyaasadda dowladda ee la xiriirta dhamaystirka Dastuurka iyo dib u habeynta hay’adaha Garsoorka.

Wareysiga oo dheer, waxaan u kala qaadnay laba qayb; Qaybta koowaad waxaan ku qaada dhigaynaa dib u habaynta Hay’adaha Garsoorka, madax bannaanidiisa, dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo arrimo kale oo xiriir la leh Garsoorka.

Qaybta dambe, waxaan iyadana ku eegi doona hannaanka loo maray dhamaystirka Dastuurka iyo falcelinta ka dhalatay.

Ugu horeynba , waxaan Wasiirka waydiinay inuu sharraxaad ka bixiyo Wasaaradda uu hoggaamiyo kadib markii lagu lamaaniyay Wasaaraddii Dastuurka oo horay u ahaan jirtay mid kaligeed u taagneed, wuxuuna ku jawaabay;

Waajibka Wasaaradda saaran waxaa waaye in ay hormariso caddaaladda iyo in ay dhamaystirto xilligaan aan ku jirno Dastuurka. Labadaas waajib ayaa Wasaaradda saaran xilligaan.

Mar la waydiiyay inuu dadwaynaha la qabo walaaca ah in ay dalka ka jirto caddaalad darro waxa uu sheegay in awoodda dowladnimada ee sharciga ah ay u baahantahay caddaalad isaga oo tilmaamay in tiirarka ay ku dhisanto dowladnimado si ay u gudato waajibaadkeeda dhinacayda bulshada, dhaqalaaha, waxbarashada iyo dhaqan ahaan ba in ay ku xirantahay in la helo caddaalad dhamaystiran

“Caddaaladuna waxaa waaye in dadka iyo dowladduba u hogaansamaan Dastuurka oo ah kan ugu sarrreeya sharciga”.

Dastuurkuna waa heshis bulsho oo ay ku heshiiyeen dowladda iyo dadka, waana xeerka u dhexeeya labada dhinac. Dowladdu waxay isku dayaysaa muddo 50 sano ah kadib inay dib usoo celiso xeerkii u dhexeeyay dadwaynaha iyo dowladda iyo in la hormariyo xeerkii dowladda ee ciqaabta iyo abaalmarinta iyada oo la hormarinyo Hay’adaha Garsoorka

Garsoorka dalku ma yahay mid madax bannaan?

Wasiirku waxa uu sheegay in uusan wax fara gelin ah isagu ku samaynin maamulka iyo galalka horyaal madaxkamadaha taas oo muuineysa in ilaa iyo xad uu Garasoorka dalku yahay mid madax bannaan balse dhinaca kale waxa uu muujiyay in ay Garsoorku uusan gaarin wali madax bannaani dhamystiran oo hay’adeed

Waxa uu carrabaabay in Wasaaradda looga fadhiyo in ay dhisto Golaha loo yaqaano ” Golaha Adeegga Garsoorka” kaas oo ah guddi dastuuri ah oo madax bannaynaya hanaanka iyo maamulka Garsoorka dalka .

Siyaasadda iyo Garsoorka

Xasan Macallin waxa uu xusay in qofka lasoo eedeeyo uu xaq u leeyahy inuu helo Garsoor madax bannaan iyo inuu isku difaaco sida uu sharciga qabo, wuxuuna tilmaamay in xukuumaddu ay dacwayn karto sidoo kalena ay hor geyn karto maxkamadaha dalka qofka ay ku tuhmeyso dambi laakin go’aanku uu horyaalo Hay’adaha Garsoorka.

Wasiirka ayaa tusaale usoo qaatay in go’aan maxkamadeed lagu sii daayay dad ay dowladdu soo eedeyay kadib markii wax dembi ah lagu waayay, taas oo muujineysa in maxkamaduhu ka madax banaanyihiin siyaasadda iyo faragelinta xukuumaadda.

“Waxaa dhacdaa dad dowladdu soo eedeysay, oo maxkamaduhu dembi ku waayeen”

Su’aal la wayadiiyay Wasiirka oo ahayd in dadka qaarkood loo so eedeeyay si loo sumcad dilo, wuxuu meesha ka saaray in uu jiro qorshaha nuucaas ah, isaga oo sheegay in dadkii lagu waayay wax dambi ah in ay maanta ka qiima badanyihiin dadka kale ee aan lasoo eedeynin, wuxuuna yiri; “Qof kasta oo maxkamad beri yeeshay, waxa uu ka fiican yahay qof aan lasoo eedeynin”

Wasiirka oo ka hadlayay siyaasiyiinta qaarkood ee u doodayay qof eedeysane ah si loo sii daayo iyada oo aan la marsiin hannaanka saxda, waxa uu caddeeyay in tillaabadaas ay ka dhigan tahay arrin dambi ah oo lagu carqaladeynayo Garsoorka, iyada oo ay ka dhalan karto in lagu sameeyo dabagal si looga qaado tillaabada ku habboon ee sharciga ah. “Hadii madaxdi daka yiraahdeen danbiilaha Garsoorka haloo daayo, ma jirto sabab uu siyaasi u sameeyo. ”

Sharci ahaanta wareysida laga duubo dad eedeysane ah

Wasiir Xasan waxa uu sharci darro ku tilmaamay in warbaahinta loo isticmaalo ama laga baahiyo wareysi laga qaday qof eedeysane ah oo aan wax xukun ah ku dhicin, wuxuuna yiri; “in warbaahintu sii deyso wareysi laga qaaday qof maxbuus ah waa dembi”

Dhanka kale, waxa uu caddeeyay in aysan jirin wax sharci ah oo diidaya in si toos ah loo baahiyo maxkamadeynta dadka loo haysto musuqmaasuqa, wuxuuna tilmaamay in ay abuureyso daahfurnaan iyo in lagu kalsoonaado Hay’adaha Garsoorka. “Tebinta tooska ah ee kiisaska maxkamdaha waxay kordhinasyaa kalsoonida iyo daahfurnaanta”

Maxaa sababy in Al-shabaab loo doonto Garsoor?

Wasiirku waxa uu sheegay in ay qalad taahy in loo xukun tago kooxda Al-shabaab oo uu ku eedeyay in ay maalin kasta galaan dambiyo isagu jira dilal iyo boobka hantida dadka, wuxuuna tilmaamay in cabsi ay ku abuureen dadka darteed ay keentay in loo doonto Garsoor.

“Dadka u xukun doona Al-shabaab, waxaa u geeyay cabsi ay ka qabaan in la dilo”

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowladdu ka xoreysay shacabka caga juglaynti iyo handaddii lagu hayay taas oo keentay in bulshadu hadda caddaalada usoo doonato Garsoorka dowladda.

Xabsiyada dalku ma yihiin kuwa ku habboon in dad lagu xiro?

Wasiirka Caddaalada iyo Dastuurka oo ka jawaabayay su’aal la xiriirta heerka xabsiyada dalka ayaa xusay in ay mas’uliyad ka saarantahay in la hagaajiyo xabsiyada dalka, isaga oo dhanka kale tilmaamay in aan wali laga soo kabanin burburkii ku dhacahay Hay’adaha kala duwan ee dalka oo ay ka midyihiin xabsiyada, wuxuuna ballan qaaday in ay ku howlanyihiin dhismaha xabsiyo cusub kuwaas oo awood in ay qaadaan dadka kala duwan ee lasoo xakumo.“Xabsiyadu waa buux dhaaafeen, taas ayaa na saartay culeyska dhismaha xabsiyo cusub”

La soco dhawaan qaybta labaad iyo dhamaystirka Dastuurka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here