Monday, August 25, 2025

Wasaarada Waxbarashada oo joojisay natiijadii ardayda Luuq

Jowhar(Dawan) – Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka, iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa ku shaacisay in la joojiyay natiijooyinkii imtixaanka fasalka 12-aad ee ardaydii imtixaanka ku galay  degmooyinka Luuq (gobolka Gedo) iyo Kismaayo (Jubbaland), kaddib markii ay dhacdooyin culus ka dhaceen goobahaaas intii lagu gudajiray imtixaankii qaran ee 2024/2025.

Wasaaraddu waxay arrintaan shaacisay xilligii lagu dhawaaqayay natiijooyinka imtixaanka qaran ee Koonfurta, Bartamaha iyo Waqooyi Bari ee Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Jowhar maalintii Axadda.

Sida ay sheegtay Wasaaraddu, natiijooyinkii laga qaaday xarunta imtixaanka ee  degmada Luuq ayaa la baabi’iyay kaddib markii ay jireen khaladaad maamul oo baahsan, kuwaas oo sabab u noqday in shaqada laga joojiyo lix kormeere oo imtixaan. Waxaa sidoo kale la bilaabay baaritaan ciqaabeed oo ka dhan ah xubnaha kooxda kormeerka ee Luuq. Ardayda saameynta ey  ku yeelatay arrintan ayaa loo oggolaan doonaa inay dib u galaan imtixaanka bisha Diseembar 2025, iyadoo kharashaadka imtixaanka ay galayaan laga qaadayo  kooxda kormeerka.

Dhanka Kismaayo, rabshado dhacay intii lagu jiray imtixaanka ayaa sababay in la hakiyo natiijooyinka ardaydii ku lugta lahayd fowdada qeeb ka mid ah xarumihii Kismaayo. Ardaydii ka qeyb qaadatay rabshadahaas ayaa laga saaray natiijooyinkii labadii maaddo ee ay galeen maalinta ey dhacdadu dhacday. Natiijooyinkooda dib ayaa loo eegi doonaa marka ay bixiyaan magdhawga khasaaraha ay sababeen ayay wasaaradu sheegtay.

Wasaaraddu waxay sidoo kale xaqiijisay qodobbadan soo socda:

  • Waxaa la baabi’iyay natiijooyinkii laba arday oo lagu helay wax isdaba marin
  • 12 arday oo lagu helay inay ku lug lahaayeen rabshado ayaa natiijooyinkoodii laga laabtay.
  • 24 arday oo lagu eedeeyay anshax-xumo guud ayaa natiijooyinkoodii la laalay.

Wasiirka Waxbarashada, Mudane Faarax Cabduqaadir, ayaa muujiyay walaac ku saabsan ku lug lahaanshaha ardayda falal dambiyeed xilligii imtixaanka. Wuxuu yiri: “Inkastoo in ka badan 38,000 oo arday ay imtixaanka u fariisteen, 38 ka mid ah ardaydaas waxay ku lug lahaayeen falal dambiyeed, qaarna maxkamad ayaa la horgeeyay. Tani waxay ka dhigan tahay in 1,000 arday uu 1 arday .” Wasiirku wuxuu adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo anshaxa iyo daacadnimada nidaamka waxbarashada.

Wasaaraddu waxay sidoo kale shaacisay tirakoobyada guud ee natiijooyinka imtixaanka qaran:

  • 39,368 arday ayaa isdiiwaangeliyay, iyadoo 98% ay imtixaanka u fadhiisteen (38,471 arday).
  • 32,714 arday ayaa gudbay, taasoo u dhiganta 85% ardaydii imtixaanka gashay, halka 5,757 arday (15%) ay ku dhaceen.
  • Gobollada waxaa laga arkay kala duwanaansho dhanka natiijooyinka ah, iyadoo gobolka Banaadir uu helay heer  81% ah, halka gobolka Waqooyi Bari uu noqday kii ugu hooseeyay oo helay 74%.

Wasaaradda Waxbarashadu waxay mar kale xustay in tallaabooyinkan ay muujinayaan sida ay uga go’an tahay ilaalinta hufnaanta nidaamka waxbarashada Soomaaliya iyo in si dhab ah wax looga qabto kala duwanaanshaha goboleed ee maareynta imtixaannada mustaqbalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here