Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in helista adeegyada ay bixiso wasaaraddu ay shardi u tahay haysashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).
Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda 23-kii Juun 2025 ayaa lagu sheegay in kaarka Aqoonsiga Qaranka uu yahay shardi rasmi ah oo looga baahan yahay helidda adeegyada dadweynaha ee ay bixiso, taasoo qeyb ka ah qorshe ay dowladda Soomaaliya ku horumarineyso adeegyada muhiimka ah ee dowliga ah.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa tilmaantay in go’aankaan uu daba-socdo Qaraarkii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee 7-dii Abriil 2025, kaasoo faray dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay isku-xiraan Aqoonsiga Qaranka iyo adeeg-bixinta asaasiga ah.
Sida lagu sheegay warbixintan, muwaadiniinta doonaya adeegyada la xiriira gaadiidka—sida helista ama cusbooneysiinta laysanka darawalnimada, diiwaangelinta baabuurta, ama codsashada oggolaanshooyinka kale ee gaadiidka looga baahan yahay inay heystana Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
“Tallaabadan waa mid muhiim u ah in adeegyada aan bixino la jaanqaadaan heerarka casriga ah, si shacabka Soomaaliyeed loogu fidiyo adeegyo hufan, waqtiyeysan, ammaan ahna,” ayay tiri Wasaaraddu.
Wasaaradda ayaa ah hay’adda koowaad ee si rasmi ah u sheegta inay qasab tahay in la helo kaarka aqoonsiga si loo helo adeegyada ay bixiso kadib ku dhawaaqisii Golaha wasiirada ee bishii Abriil. Wasaaradda waxay sidoo kale sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay hirgelinta qorshaha isbeddelka Qaranka ee la meel mariyay bishii Maarso 2025, kaasoo looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo amniga dalka iyo aqoonsiga muwadinka Soomaaliyeed.