Tuesday, July 15, 2025

Wasaaradda Ganacsiga oo adeegyadeeda shuruud uga dhigtay Kaarka NIRA

Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  si rasmi ah u shaacisay in adeegyada ay bixiso Wasaaraddu lagu xiray nidaamka Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay go’aankii Golaha Wasiirrada ee 7-dii Abriil 2025, kaasoo lagu aasaasay in adeegyada guud oo dhan lagu xiro Kaarka Aqoonsiga ee ay bixiso Hay’adda Diwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA).

Qoraal aya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha  soo saartay ayeey ku  sheegtay  in tallaabadaani ay saameyn doonto dhammaan shaqsiyaadka iyo shirkadaha doonaya inay iska diiwaangeliyaan, ama cusbooneysiinta, ama helaan rukhsadaha kala duwan ee ganacsiga oo ay wasaraddu bixiso.

Wasaaradda ayaa sidoo kale tilmaantay in tallaabadan ay qeyb ka tahay hirgelinta Qorshaha Isbeddalka Qaranka ee la ansixiyay Maarso 2025, iyadoo la rajo weyn yahay in ay gacan ka geysato kor u qaadista dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka, iyadoo la yaraynayo khiyaanooyinka iyo qishka ku dhaca adeegyada aqoonsiga.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa noqotay wasaaradda labaad ee soo saarta amar ku aadan isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee adeegyada ganacsi, iyadoo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ay soo saartay amar noocan ah 26-kii bisha hore.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here