Wednesday, August 20, 2025

Wasaaradda Maaliyadda oo maxkamadeenaysa kiisasa Canshuuraha ah

Muqdisho (Dawan)– Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Isniintii soo saartay digniin adag oo ku socota ganacsatada iyo shakhsiyaadka looga shakisan yahay inay ku lug yeesheen lunsiga iyo diidmada bixinta canshuuraha, iyadoo ballan qaaday in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono, taas oo lagu fulin doono iskaashi kala dhaxeeya hay’adaha garsoorka iyo ciidamada sharciga fuliya.


Digniintan ayaa lagu soo saaray kadib kulan uu shir guddoomiyay Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, Cabdiqafar Cilmi Xaange, kaas oo lagu lafa-guray sidii loo xoojin lahaa u hoggaansanaanta canshuuraha (VAT), canshuuraha kastamka, iyo kirada guryaha. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Waaxda Fulinta Canshuuraha, iyo Waaxda Dakhliga.


Wasiirka oo shir Jaraa’iid qabtay kadib kulanka ayaa sheegay : “Waxaan xusuusinaynaa ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed dambiyada la xiriira lunsiga iyo diidmada bixinta canshuuraha. Waxaa jira sharciyo adag oo hadda jira si looga hortago falalkan iyo in si sharci ah loo dabaqo. Ganacsade ama qof kasta oo canshuur ka baxsada wuxuu wajihi doonaa cawaaqib sharci ah.”


Wasiirka waxa uu sheegya in dhawaan la bilaabi doono dacwooyin ka dhan ah kiisaska horey loo baaray, kuwaas oo ay ku jiraan dad isticmaalay lambarradooda aqoonsi shakhsiyeed halkii ay ka isticmaali lahaayeen lambarka ganacsiga rasmiga ah.


“Canshuur laguma ururiyo baryo. Dowladda waxay adeegsan doontaa dhammaan hay’adaha amniga ee khuseeya, gaar ahaan Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, si loo horkeeno maxkamadaha dadka lagu helo dambiyada canshuur-bixinta. Qof kasta oo lagu helo dambiga canshuur ka baxsiga wuxuu wajihi doonaa maxkamadeyn,” ayaa yiri wasiirka Xaange.


Sida ay sheegtay wasaaraddu, tallaabooyinkaan waxay ku salaysan yihiin ka hortag iyo ka daba tag isla socda, iyadoo dacwooyinka si toos ah loo baahin doono.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here