By Asha Elmi
Muqdisho, Soomaaliya — Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa si adag uga digtay iskuulada inay ardayda ka qaadaan wax lacag ah oo la xiriirta imtixaanaadka qaranka ama kaarka aqoonsiga waxbarashada. Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta, Cabdullaahi Cabdi Cumar, ayaa sheegay 28 May 2025 in lacagahaas ay sharci darro yihiin isla markaana aan la aqbali doonin.
Digniintaan wasaaradda ayaa imaaneysa xilli wasaradda waxbarashada ay qorsheesay in uu billaawdo imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga Sare uu bisha Juun14 2025.
Waxa uu ku adkeeyay mowqifka wasaaradda oo horey 2 sano ka hor loo shaaciyay in ardayda aan la oggolayn in laga qaado lacagaha imtixaanka iyo kuwa kaarka aqoonsiga waxbarashada.
“Waxaan jeclahay inaan maamulayaasha dugsiyada xasuusiyo in aan la oggolayn in magaca Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare lagu ururiyo lacag la sheegayo ama aqoonsi lagu sameeyo ardayda, ama kharashka waxbarashada lagu daboolo.” Ayuu yiri Cabdullaahi.
Wuxuu ugu baaqay waalidiinta, ardayda, iyo dhammaan daneeyayaasha inay si joogto ah ula socdaan wararka iyo macluumaadka rasmiga ah ee wasaaradda ee la xiriira imtixaanaadka, kuwaasoo lagu faafin doono bogga wasaaradda iyo baraha bulshada.