Monday, September 23, 2024

Wasiirka difaaca: sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno

Muqdisho (Dawan)- “Sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno” sidaas waxaa barahiisa bulshada kusoo qoray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur xilli uu soo dhawaynay Markab nuuca dagaal oo laga leeyahay Masar kaas oo kusoo xirtay dekedda Muqdisho

Wararka la helayo waxay tibaaxayaan in markabku siday hub iyo saanad ciidan oo kala duwan, inkasta oo aan la ogayn nuuca hubka iyo tiradiisa.

“Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay” waa farriin dadbadan oo wasiirku u diray mas’uuliyiinta Itoobiya.

Markabkan ka yimid Masar ayaa qayb ka ah hirgelinta heshiiskii iskaashiga difaaca ee ay labada dal kala saxiixdeen bishii August ee la soo dhaafay, markii madaxweyne Xasan Sheekh booqday Qaahira.

Jimcadii lasoo dhaafay, waxaa Muqdisho soo gaaray dhaqaatiir Masaari ah oo leh takhasusaad kala duwan kuwaas oo ka qayb qaadanaya qalliimo si lacag la’aan ah loogu fulinayo isbitaalka De Martiini

Waa tillaabo kale oo ay Masar ku dooneyso inay ugu soo dhawaato Soomaaliya, iyada oo ka qaybqaadaneysa arrimaaha bini aadantinimada iyo wax u qabashada dadka dhibaateysan.

Wasaaradda caafimaadku waxay sheegatay in ololahaan ay ka faa’iideysan doonaan bukaano kor u dhaafaya 700, iyada oo sidoo kale howlwadenada caafimaadka ay heli doonaan aqoon korarsi heerkiisu sareeyo kaaso xirfadooda kor u qaadi doona mudada ololahaaan lagu guda jiro.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Cabdicaadi oo maalmo ka hor magaalada Washington kula kulmay ergayga Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer, ayaa cadeeyay sida uu dalkiisu uga taageerayo Soomaaliya dhisamaha laamaha amniga iyo awoodda ciidamada

Masar waxay shalay uga uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Somaliland, taas oo ay ku sababeysay arrimo la xiriira amniga iyo inaysan heli karin adeegyada qunsuliyadeed ee ay u baahdaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here