Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa si adag uga digay in dad shacab ah ay weli la macaamilayaan kooxda Al-Shabaab, inkastoo dowladda horey uga digtay in laga fogaado xiriirka kooxdan. Wasiirka ayaa March-9-2025, fariin uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu arkay dad xiriir la leh kooxda Al-Shabaab, taasoo muujineysa in aysan weli dad gaar ah ka waantoobin la macaamilka kooxda.
“Iyadoo dowladda ay dhowr jeer digniin ka soo saartay, haddana waxaan shalay Ceel Bacad ku aragnay in weli aysan dadka qaar ka waantoobin, welina la macaamilaan Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.
Wasiirka ayaa shacabka ku booriyay in ay ka fogaadaan la macaamilka Al-Shabaab, isla markaana ay ka dheeraadaan goobaha ay kooxdaasi joogto. Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: “Ilaahayoow marqaati ka noqo inaan gaarsiinnay!”
Digniinta wasiirka ayaa daba socota hadallo hore oo ay dowladdu u dirtay shacabka, kuwaasoo lagu wargeliyay in la iska fogaado kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Dowladda Soomaaliya waxay horay ugu hanjabtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo si toos ah ama dadban u taageerta ama la macaamisha kooxaha argagixisada ah.
Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleey oo isku dhinac ah, iyo dagaallamayaasha Al-Shabaab. Dowladda ayaa dhawaan shaacisay in dagaalka uu u wareegayo duqeymo cirka ah, iyadoona shacabka uga digtay inay u dhowaadaan goobaha ay weerarradu ka dhici karaan, walow meelkaa ay heystana kooxda ay ku suganyihiin dad shacab ah.