Friday, July 18, 2025
Array

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo lagu abaalmariyey Wasiirka Maaliyadda Afrika ee Sanadka 2025

London(Dawan) — Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa maanta magaalada London lagu guddoonsiiyay abaalmarinta Wasiirka Maaliyadda Afrika ee Sanadka 2025, taasoo ay siisay majaladda African Leadership Magazine intii lagu guda jiray shirweynihii sannadlaha ahaa ee Afrika Summit.

Abaalmarintan ayaa lagu aqoonsaday dadaalkii hannaanka maaliyadeed ee Wasiirka Egeh uu hoggaamiyay labo sano ee u dambeeyay, oo ay ka mid yihiin guushii dayn-cafinta ee la gaaray 2023-kii, casriyeynta hababka dakhliga, iyo horumarinta daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Majaladda African Leadership Magazine ayaa sheegtay in guulahan ay Soomaaliya u suurtageliyeen inay hesho maalgelin deeq ah iyadoo aan qaadan daymo cusub, taasoo ka mid ah sababaha Wasiirka loogu aqoonsaday hogaamiye maaliyadeed oo heer sare ah. Abaalmarintan waxay qayb ka tahay Abaalmarinta Hogaaminta Ganacsiga Afrika ee majaladda ay ku abaamariso hoggaamiyeyaasha ugu wanaagsan qaaradda.

Wasiirka Biixi Iimaan oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed iyo ganacsatada oo uu sheegay in ay laf-dhabarka u yihiin soo kabashada dhaqaalaha dalka.


“Guusha dhabta ah iyo abaalmarintan waxa ay u sugnaatay shacabka Soomaaliyeed oo ah laf-dhabarta horumarinta dhaqaalaha iyo soo kabashada dalka. Waxaan sidoo kale ku amaanay ganacsatada dalka habka ay ugu dhiiran yihiin dib-u-dhiska, inkastoo ay jiraan caqabado badan.” Ayuu yiri wasiir Biixi.

Majaladda African Leadership Magazine oo lagu aasaasay UK sanadkii 2008, ayaa diiradda saarta kobcinta hogaaminta wanaagsan iyo horumarinta dhaqaalaha qaaradda Afrika.

Abaalmarintan ayaa muujinaysa dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta maaliyadda iyo hagaajinta maamulka iyadoo la marayo dib-u-dhis iyo xasillooni kadib sanado colaado badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here