Monday, June 9, 2025

Ciidamada Soomaaliya oo weeraray goobo Al-Shabaab oo Hirshabeele ah

MUQDISHO, Soomaaliya – Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ay saaka weerar culus ku qaadeen kooxda Al-Shabaab ee ka hawlgasha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sida ay sheegtay Warbaahinta, Dagaalka ayaa ka dhacay duleedka deegaanada Ceel-Hareeri iyo Garas-magan, oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan ayeey sheegeen inuu  ka dambeeyay kadib howlgallo qorshaysan oo lagu bartilmaameedsaday goobaha ay kooxdu isku urursanayeen.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalladaasi ayaa u sheegay Warbaahinta Ciidamada in kooxda lagu gaarsiiyay dhirbaaxo culus, isla markaana la burburiyay godadkii iyo meelihii ay isku aruursanayeen.

Howlgalkan ayaa imaanaya laba maalin ka dib markii ay dowladda sheegtay inay duqeymo ka fulisay Ceel-Hareeri ay ku dishay  hogaamiyayaal Al-Shabaab ah oo ku sugnaa.

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa si joogto ah uga socda meelo badan oo dalka ah, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay xoojineyso dagallada ka socda gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here