Saturday, July 19, 2025

Weerar Is-miidaamin ah oo lagu qaaday dugsiga Jaalle Siyaad

Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in weerar is-miidaamin ah lagu qaaday afaafka hore ee Dugsiga Milateriga Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho subaxnimadii Arbacada, abaare 11:20 daqiiqo.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in baaritaanno lagu sameynayo weerarka ay wadaan hay’adaha ammaanka, isla markaana faahfaahin dheeri ah laga soo saari doono marka xogta rasmiga ah la helo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo warbaahinta afkooda ku sheegtay in ay beegsadeen “wafdi reer galbeed ah oo tababar siinayay ciidamo Soomaaliyeed.” Ma jiro illaa hadda xaqiijin madax-bannaan oo caddeynaysa sheegashadaas.

Dugsiga Jaalle Siyaad ayaa ah xarun muhiim u ah tababarka ciidamada Soomaaliya, waxaana weerarka maanta loo arkaa mid muujinaya nuglaanta dhinaca amniga ee xarun si dhow loo ilaaliyo.

Weerarkan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay socdaan hawlgallo militari oo ay Dowladda Federaalka ka waddo gobollada dhexe ee dalka, kuwaas oo ay ku jiraan duqeymo iyo howlgallo toos ah oo lagula beegsanayo kooxda Al-Shabaab.

Dugsiga Jaalle Siyaad ayaa horey u bartilmaameed noqday, waxaana weerar is-miidaamin ah oo dhacay bishii Luulyo 2023 lagu dilay ugu yaraan 25 askari, halka in ka badan 70 kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha ammaanka ayaan weli si rasmi ah u shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka maanta, waxaana la filayaa in warbixin dheeri ah laga bixiyo marka baaritaannada horudhaca ah lasoo gabagabeeyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here