Thursday, April 24, 2025

WFP oo Digniin Ka Soo Saartay Heerka Nafaqo-darro ee Itoobiya

Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa talaadadii sheegtay in heerarka nafaqo-darro ee dalka Itoobiya ay marayaan meelo halis ah, iyadoo 4.4 milyan oo haween oo uur leh iyo carruur ay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar caafimaad iyo nafaqo.

Zlatan Milisic, agaasimaha WFP ee Itoobiya, oo ka hadlay shir jaraa’id oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, ayaa sheegay in xaaladda nafaqo-darrada carruurta ee gobollada dowlad deegaanka Soomaalida, Oromada, Canfarta, iyo Tigrayga ay dhaaftay heerka degdegga ah ee 15%.

“Ethiopia waxay wajahaysaa musiibooyin is daba-joog ah,” ayuu yiri Milisic. Wuxuuna intaas raaciyay, “Waxyaabaha sida gaarka ah welwelka u abuuraya waa in abaarta, colaadaha, iyo qulqulka qaxootiga ay yihiin khataro soo socda oo si fudud u liqi kara bulshada nugul ee hadda dhibaateysan.”

In ka badan 10 milyan oo qof ayaa la ildaran cunno yari ba’an guud ahaan Itoobiya, iyadoo 3 milyan oo ka mid ah ay ku barakaceen colaadaha iyo isbedelka cimilada, sida uu sheegay Milisic.

Inkasta oo WFP ay gargaarka cuntada iyo nafaqada gaarsiisay in ka badan 3 milyan oo qof horraantii 2025, haddana hay’addu waxay sheegtay inay qasab ku noqotay inay joojiso daaweynta nafaqo-darrada 650,000 oo haween iyo carruur ah sababo la xiriira maalgelinta oo aad u yar.

Sidoo kale, howlaha gargaarka ee loogu talagalay 800,000 oo qaxooti ah – oo ay ka mid yihiin 100,000 oo u dhashay dalka Suudaan – ayaa wajahaya halis weyn, iyadoo la filayo in cunto iyo caawinaad lacageedba ay gabaabsi noqdaan marka la gaaro bisha Juun.

WFP waxay hadda dalbaneysaa $222 milyan oo dollar si ay howlaheeda u sii wado ilaa bisha Sebtembar, iyadoo rajeyneysa in la gaarsiiyo 7.2 milyan oo qof sanadkan 2025.

“Waxaan haysanaa kooxihii, gaadiidkii, iyo awooddii howleed ee looga baahnaa in wax laga qabto musiibadan, laakiin waxa aan heynin waa ilaha dhaqaale ee noo oggolaanaya inaan si ballaaran uga jawaabno baahida jirta,” ayuu yiri Milisic.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here