Jigjiga, Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka ee Dawlad-Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa si rasmi ah u daahfuray adeeg cusub oo gaadiidka dadweynaha ah, kaas oo si buuxda uga hawlgalaya caasimadda DDS, ee Jigjiga. Munaasabadda daahfurka waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska, Duqa Magaalada Jigjiga, saraakiisha ciidanka taraafikada, masuuliyiinta shirkadaha iyo iskaashatooyinka gaadiidka, iyo wadayaasha baabuurta.
Adeegga cusub ee gaadiidka dadweynaha ayaa ka koobnaan doona 40 bas oo cusub, kuwaas oo ku biiraya basaskii hore ee magaalada. Basaskani waxay kala bixi doonaan xaafadaha magaalada, iyadoo ujeedada ugu weyn tahay horumarinta isku socodka dadweynaha iyo yareynta saxmadda gaadiidka, si Jigjiga ay ula jaanqaaddo caasimadaha kale ee Itoobiya.
Xafiiska ayaa sidoo kale shaaciyay qiimaha rasmiga ah ee rakaabka ku raaci doona basaskan, waxaana lagu baaqay in dadka isticmaala adeegga aysan bixin karin wax ka badan qiimaha la jaangooyay. Heshiisyo ayaa la galay si loo hubiyo in adeeggu uu u socdo si habsami leh, una adeegayo shacabka magaalada.