Tuesday, April 29, 2025

DDS ayaa diyaar garoweeysa kordhinnta wax soo saarka Xoolaha

Xafiiska Horumarinta Xoolo Dhaqatada ee Dowlad Deegaanka Sooomaalida(DDS) ayaa labo kooxood u kala diray qaar ka mid ah gobollada Deegaanka, si ay uga fuliyaan hawlaha rimay gacmeedka xoolaha iyo qiimaynta xarumaha digaagga ee loo diyaariyay. Kooxda hore ayaa ka shaqeynaysa fulinta rimay gacmeedka xoolaha, halka kooxda labaadna ay u tagtay goobaha la geynayo digaagga si ay u hubiyaan in xarumaha loogu talagalay ay yihiin kuwo ku habboon.

Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo Dhaqatada DDS, Dr. Cabdiqaadir Iimaan, ayaa kooxdaas kula dardaarmay in ay si dhab ah uga shaqeeyaan sidii loo qorsheeyay, isla markaana ay warbixinta ugu soo gudbiyaan faahfaahinta ay ka arkeen goobahaasi, gaar ahaan caqabadaha jirta iyo xalka loo raadin karo.

Barnaamijka rimay gacmeedka xoolaha ayaa laga soo fulinayaa 7 gobol oo ka tirsan Deegaanka, waxaana loogu talagalay inuu gaaro waxsoosaarka xoolaha, gaar ahaan lo’da. Waxa la qorsheynayaa in lo’ gaadhaysa 7,500 neef lagu soo fuliyo barnaamijka, iyadoo kooxuhu ay sidoo kale dadka wacyigelin ka siinayaan faa’iidooyinka rimay gacmeedka. Agaasimaha Waaxda Waxsoosaarka ee Xafiiska Horumarinta Xoolo Dhaqatada DDS ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay hannaan casri ah oo loo adeegsan karo horumarinta waxsoosaarka xoolaha, gaar ahaan xoolaha nooca lo’da ee caano iyo cad badan bixiya.

Kooxda labaad ee loo diray gobollada ayaa iyaguna qaadaya tallaabooyin lagu hubinayo in xarumaha loo diyaariyay digaagga ay yihiin kuwo la jaan qaadi kara baahida degmooyinka iyo magaalooyinka loo qorsheeyay in lagu dhaqo digaagga. Kooxdani waxay sidoo kale hubinayaan codsiyada degmooyinka iyo magaalooyinka ee doonaya in loo geeyo digaagga, iyadoo la xaqiijinayo in goobaha lagu dhaqi lahaa digaagga ay yihiin kuwo diyaarsan oo si haboon loogu isticmaali karo.

Xafiiska Horumarinta Xoolo Dhaqatada DDS ayaa qorsheynaya in hawlgalladan lagu sii kordhiyo oo lagu faafiyo qaybaha kale ee Deegaanka si loo xaqiijiyo horumarka joogtada ah ee qaybta xoolo-dhaqatada iyo in si hufan loo taageero beeraleyda iyo dadka xoolo-dhaqatada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here