Thursday, September 19, 2024

Xalka macallin-yarida waqooyi-bari Kenya oo weli la baadi-goobayo

Mandera (Dawan)- Xildhibaannada laga soo doortay deegannada gobolka waqooyi-bari ee Kenya ayaa cabasho ku saabsan macallin-yarida ka jirta deegaanadaas la wadaagay dowladda dhexe kadib kulan ay la yeesheen Wasiirka Waxbarashada Dr. Belio Kipsang.

Xildhibaanada ayaa si qoto dheer ula hadlay wasiirka, iyagoo kala xaajooday baahida loo qabo iskaashi istiraatijiyadeed oo looga gol leeyahay in lagu taageero waxbarashada dugsiyada gobolkaas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xallin lahaa caqabadaha ka jira dugsiyada, gaar ahaan macallin-yarida, iyadoo xildhibaanada iyo wasiirka ay isla garteen in si wadajir ah wax looga qabto arrintaas. Waxa sidoo kale laga hadlay muhiimadda ay leedahay in dowladda ay dammaanad qaaddo jawi ku habboon waxbarashada iyo in la kordhiyo awoodda dugsiyada si ay u gaarsiiyaan waxbarasho tayo leh ardayda, taas oo ay xildhibaanadu sheegeen inay muhiim u tahay horumarka dhaqaale iyo bulsho ee gobolka.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimo muhiim ah oo saameeya waxbarashada gobolka oo ay ka mid yihiin barnaamijka quudinta dugsiyada, kaabayaasha dugsiyada dhexe, kulliyadaha tababarka macallimiinta iyo biyaha dugsiyada”. Sidaas waxaa yiri Cabdul Haro oo laga soo doortay Koonfurta Mandera.

Kulankana ayaa kusoo aadaya iyadoo Weli gobolka waqooyi-bari ee Kenya ay ka taagantahay macallin-yari baahsan, taas oo xalkeeda looga bixi karo in dadka deegaanka ay bartaan xirfadda macallinimo.

Macallimiinta gobolka ayaa la kulma falal amni darro, waxeyna dhowr jeer dalbadeen in la siiyo hub ay isku difaacaan marka lasoo weeraro, taas oo dhalisay muran badan.

Horay waxaa shaqada Macallinimada u diiday qaar ka mid ah Macallimiinti ka howl geli jirtay deegaanada ay ka jirto amni xumo, taas oo saameyn ku yeelatay hab sami u socodkii Waxbarashada.

Intaas ka dib, xildhibaanada laga soo doortay Garissa, Wajeer, iyo Mandheera ayaa kulan kale la yeeshay Wasiirka Beeraha ee Kenya, iyagoo isla gartay in si degdeg ah loo hirgeliyo barnaamijyo iyo kaabayaal dhaqaalaha waaxda beeraha. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in la kordhiyo biyaha waraabka si shacabka gobolka waqooyi bari ay uga faa’iideystaan, islamarkaana ay u soo saartaan cunto ku filan oo gobolka ah.

Wasiirka Beeraha ayaa sheegay in dowladda dhexe ka go’an tahay horumarinta dhaqaale iyo bulsho ee waqooyi-bari, xilli dadka deegannadaas ay hadda si weyn ugu soo jeesteen wax soosaarka beeraha.

Dadka waqooyi-bari oo horey u ahaa xoolo-dhaqato ayaa hadda u jeestay tabcashada beeraha kadib abaarihii daba dheeraaday oo saameeyay xoolahooda, taas ayaana keentay in beeraha ay noqdaan isha dhaqaale ee ugu muhiimsan gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here