Muqdisho, 17 Sebtembar 2025 – Ra’iisul Wasaare Xamse Abdi Barre ayaa amray in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ay wax ka qabato dhibaatooyinka ka jira Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho muddo laba isbuuc ah, kadib cabashooyin dadweyne oo la xiriira xaaladda garoonka.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday garoonka Talaadadii, ayaa tilmaamay dhowr arrimood, sida mashiinnada boorsooyinka dadka saarraan oo aan shaqeynin, tubooyinka biyaha ee suuliyaasha oo aan shaqeynin, iyo nadaafad xumo ka jirta guud ahaan garoonka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku amray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Farah Nuh, in arrimahaas la xalliyo muddo laba isbuuc gudahood, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo nadaafadda iyo in mashiinnada boorsooyinka la hagaajiyo si joogto ah.
“Wasiir, waxaan faraynaaa in la badalo mashiinnada, cidii ku shaqada lehna waa in amar la siiyaa si mashiinnadu u shaqeeyaan si aan kala joogsi lahayn, laba isbuuc gudhahooda, waana ku soo noqon doonaa meeshaan. Waxaan rabaa mashiinnadaas cusub oo shaqeynaya inay meeshaan yimaadaan.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu sidoo kale sheegay in shaqaalaha garoonka loo baahan yahay in lagu tababaro nadaafadda iyo in qalab cusub loo siiyo si loo hubiyo in garoonka uu noqdo mid nadiif ah oo shaqeynaya.
Tani ma ahayn booqashadii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaaraha uu sameeyo Garoonka Aadan Cadde. Bishii Maarso 2024, wuxuu booqasho la mid ah ku tagay garoonka ka dib markii shacabka ay ka cawdeen kordhinta khidmadaha safarka, taas oo keentay hakad ku yimaada duulimaadyada iyo shaqadii garoonka.
Garoonka Aadan Cadde waxaa maamula shirkadda Turkish-ka ah ee Favori LLC tan iyo 2013.