Wednesday, July 16, 2025
Array

Urur Siyaasadeedka Xaqsoor oo laga dhisay Soomaaliya

Muqdisho (Dawan) – Ururka Siyaasadeedka Xaqsoor ayaa si rasmi ah looga dhisay magaalada Muqdisho, Soomaaliya, Talaadadii. Dhismaha ururkan waxa uu ka dambeeyay in ka badan hal sano oo la-tashi ah oo lala yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan siyaasiyiin, diblomaasiyiin, dhalinyaro, iyo hogaamiyeyaasha bulshada rayidka ah.

Cabdiraxmaan Caynte, Wasiirkii hore ee Qorsheynta, ayaa loo doortay hogaamiyaha ururka Xaqsoor, halka Cabdi Axmed Maxamed Baafo, Wasiirkii hore ee Beeraha, loo doortay guddoomiyaha Guddiga Dhexe. Hoggaanka ururka waxaa kale oo ka mid ah laba ku-xigeen, xoghayaha guud, iyo golaha fulinta oo ka kooban 19 xubnood, kuwaas oo masuul ka noqon doona maamulka guud, arrimaha dhalinyarada, iyo adeegyada bulshada.

Sida uu sheegay Ururuka Xaqsoor waxa uu hiigsanayaa inuu mideeyo shacabka Soomaaliyeed ee u ololaynaya nidaam siyaasadeed oo ku dhisan caddaalad, daahfurnaan, iyo sinnaanta. Ururka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay qorshe uu dalka oo dhan ugu samaynayo olole wacyigelin iyo abaabul si uu taageero ugu helo doorashooyinka soo socda.

Intii uu socday xafladda daahfurka, Cabdiraxmaan Caynte, hoggaamiyaha Xaqsoor, ayaa muujiyay himilada ururka, isaga oo yiri:

“Marka caddaaladdu laga aamuso, musuqmaasuqu wuu faafaa, amniguna wuu xumaadaa, qabyaaladuna way sii adkaanaysaa. Xaqsoor waxa aan u dhisnay in aan la dagaalanno caddaalad darrada si sharcigu u ilaaliyo muwaadin kasta, awoodduna uga jawaabto shacabka, carruurta Soomaaliyeedna ay mustaqbal ifaya uga dhisan karaan dalkooda hooyo.”

Diiwaangelinta Xaqsoor ee urur siyaasadeed ahaan ayaa loo arkaa in ay muujinayso in ururuku uu aqoonsanyahay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha(GMDQS), kaas oo ku howlan hirgelinta nidaamka doorasho ee hal qof, hal cod. Inkastoo Gudddigu uu diidmooyin  kala kulmayo xisbiyada mucaaradka ugu weyn.

Ururka Xaqsoor, oo inta badan ka kooban siyaasiyiin dhexdhexaad ah oo ka imaanaya asal waxbarasho iyo cilmi-baaris, waxa uu hadda ku biiray dhowr iyo afartan urur siyaasadeed oo si rasmi ah ugu diiwaan gashan GMDQS ilaa bisha Luulyo 2025.

Ku dhawaaqisiisa waxay imaaneysa iyadoo ay sii kordhayso tuhunka ah inay isbahaysi la leeyihiin xisbiga madaxweynaha hadda talada haya ee Cadaaladda iyo Wadajirka.

Falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa u arka in is-waafajinta Xaqsoor iyo xayndaabka madaxtooyada uu door weyn ka qaadan karo xalaalaynta hawlaha doorashada ee socda, gaar ahaan sharci ahaanshaha guddiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here