Friday, October 18, 2024

Xarunta Geeska Afrika ee daraasaadka Wasadiyada oo la daahfuray

Muqdisho (Dawan)- Waxaa maagalada Muqdisho lagu qabtay maalintii Khamiiska (23 May 2024)- munaasabadda daahfurka Xarunta Geeska Afrika ee daraasadka Wasadiyada oo ah xarun loogu tala galay in ay ka qayb qaadato toosinta wacyiga bulshada, iyada oo loo marayo fahamka saxan ee diinta Islaamka.

Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay mas’uulyiin ka kala socday wasaaradaha waxbarashada iyo Arrimaha Diinta, xarumaha cilmi-baarista, dalladaha waxbarashada iyo culumada Soomaaliyeed, iyada oo ay sidoo kale goob joog ahaayeen aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

Guddoomiyaha Xarunta Geeska Afrika ee daraasadka Wasadiyada, Dr Maxamed Xuseen Ciise oo sharraxaad ka bixiyay ujeedka loo furay Xarunta ayaa sheegay in ay jirto baahi wayn oo dhanka wacyiga qalloocan ah, taas oo ay lagama maarmaan tahay in culumada iyo aqoonyahano u istaagaan sixiddeeda, si looga qayb qaato horumarka bulshada iyo wada noolashaheeda.

Guddoomiyaha ayaa yiri; “Xarunta Geeska Afrika ee daraasadka Wasadiyada, waxaa looga gol leeyahay in ay mujtamaca xasuusiso, qiima wayn oo qiimaha Islaamka ah oo ah in uu noqdo qof toosan.. oo fikirkiisu uu noqdo , dhaqankiisu uu noqdo, habka uu umadda ula dhaqmaayo uu noqdo mid dhaxdhaxaad ah oo aan dhinac u dheellin ee xaqa abbaara

Guddoomiayaha ayaa tilmaamay in qaadashada fikirka dhaxdhaadka ah ay ka dhalaneyso in ay hagaagto nololsha bulshada sida siyaasadda iyo habdhaqnkeeda, iyada uu u abuurmayo dhaqan ku dhisan wada noolaansho, is aqbalaad iyo isa saamixid.

Maxaa laga yiri daahfurka Xarunta Geeska Afrika ee daraasadka Wasadiyada?

Munaasabadda waxaa ka hadlay mas’uliyiin iyo culumo badan kuwaas oo dhammaantood muujiyay baahida loo qabo xaruntan iyo xilliga lagu soo beegay daahfurka oo ay bulshada Soomaaliyed la daalladhaceyo hardanka afkaarta qalloocan ee ku dhisan wax duminta iyo dhibaataynta umadda.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad,  Gudoomiyaha Hay’adda culumada Soomaaliyeed: Waxa keenaya in markaskaan oo kale la sameeyo waa in Diinta la ilaaliyo. Haddii Diinta uu inxiraaf galo, nolosha inteeda kale ayuu saameynaya. Marka in xarunta nuucan oo kale oo ku dhisan aqoon iyo dhaxdhaxaadnimo in la samaayo waa shay loo baahanyahay.

Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire, Markaskaan waxa ugu wayn ee laga rabo, waa waxbarasho, wacyi ku dhisan cilmi-baaris loo sameeyay si wadajir ah.

Dr Cabdiraxmaan Baadiyow, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dib u heshiisiinta: xaruntan waxa ay tusaale u tahay dhinaca ay bulshada Soomaaliyeed u socoto ee ah xarumo cilmi-baaris, meelo lagu wada hadlo iyo meel caqliga iyo wacyiga lagu kobciyo.. Marka waxay tusaale ka tahay horumarka aan ka gaarayno dhinaca Bini-aadamka.

Shariif Maxamed Xaaji, Agaasimaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta: Markaskaan xarunta Muqdisho kaligeeda yaynan lagu koobin , Bariga fog iyo Koonfurta fog inta u dhaxeeysa markaskan furuucyo halooga sameeyo, maxaa yeelay waxaa u baahan dadka ku nool degmooyinka iyo gobollada.

Maxamed Cabdullaahi Maxamuud, Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada: Xaruntan ha isku daydo in ay umaddeena barto wax wada lahaansho. Si wax loo wada laahadana, waa in laga shaqeeyo wasadiyada.

Maxey tahay Xarunta Geeska Afrika ee daraasadka Wasadiyada?

Xarunta Geeska Afrika ee daraasadka Wasadiyada, waa xarun horseed u ah dhisidda waxbarasho iyo cilmi-baaris xirfadeed si loo dhiso wacyiga dhallinyarada, loona kaabo dadaalka culimada si bulshada Soomaaliyeed ay u noqoto bulsho ku fiican aqoonta diinta iyo ku dhaqankeeda suuban ee ku dhisan wasadiyada iyo fahamka miisaaman.

Farriinta Xarunta

Dhisidda jiil lagu barbaariyay qiyamka wasadiyada iyo fahamka toosan, kuwaas oo leh qiyam toosnaan, dheelitirnaan, hal-abuur iyo wada shaqayn.

Ujeedooyinka Guud ee Xarunta

1. Faafinta dhaqanka toosan ee ku sallaysan fahamka saxda ah ee diinta Islaamka.

2. Faafinta dhaqanka isa-saamaxa, dulqaadka, wada-noolaanshaha iyo wada-hadalka.

3. Daraasaynta iyo wax ka qabashada mushkiladaha ummadda iyo soo bandhigidda fikrado lagu furdaamiyo oo ka duulaya fahamka toosan iyo aragtida dheeli tiran ee Islaamka.

4. Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha la shaqada ah xaruntan.

5. Diyaarinta manhaj waxbarasho cilmiyaysan oo kulnasada agabka sharci iyo aqooneed ee lagama maarmaanka u ah in lagu gaadho fahamka saxda ah ee Islaamka.

6. Diyaarinta culumo iyo aqoonyahanno isku darsaday fahamka Islaamka iyo fahamka waaqica ay ku noolyihiin si toganna ula falgala.

7. Abuurista jawi ku habboon fikirka, wada-hadal iyo falanqaynta arrimaha muslimiinta iyo xallinta khilaafaadka.

8. Kobcinta wacyiga, fahamka Islaamka iyo akhlaaqda Islaamka ee la falgeliya waayaha taagan, iyadoo la raacayo fahamka toosan ee dheeliga tiran ee Islaamka.

Waddooyinka ay xaruntu u mareyso ka mira dhalinta hawlaheeda

1. Samaynta maktabad uruurisa fikirka Islaamka iyo fatwooyinka ku dhisan fahamka toosan.

2. Qabashada muxaadarooyin guud, siminaaro iyo shirar cilmiyeedyo toosan oo dheeli tiran.

3. Qabashada aqoon is-weydaarsiyo ku saabsan fikirka Islaamka.

4. Samaynta koorsooyin iyo tababarro gaagaaban oo lagu baranayo culuumta islaamka iyo fahamka toosan.

5. Adeegsiga baraha bulshada si dadweynaha loo gaarsiiyo fahamka toosan ee Islaamka

6. Qabashada seminaaro waxbarasho iyo shirar gaar ah oo ku saabsan arrimaha iyo mowduucyada la xiriira takhasuska xarunta, lalana kaashado hay’adaha cilmi-baarista.

7. Diyaarinta iyo faafinta buugaag iyo maqal/muuqaal ku saabsan fikirka Islaamiga ah ee toosan oo ku baxaya af Soomaali.

8. Diyaarinta iyo faafinta cilmi-baarisyo iyo daraasado la xiriira fikirka Islaamiga iyo u adeegsiga arrimaha taagan. 

Baraamijta Xarunta

  • Barnaamijyada culuumta fiqhiga ee Asaaska u ah fikirka wasadiga
  • Barnaamijyada dhaqanka Islaamka oo gacan ka geysta xoojinta fikirka wasadiga
  • Barnaamijyada culuumta ku wajahan fikirka wasadiga
  • Xulashada daraasadaha fikirka wasadiga ee casriga ah
  • Daraasado la xiriira xilliga la taaganyahay iyadoo laga eegayo wasadiyada

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here