By Sayyid Omar
Muqdisho, Soomaaliya — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed, iyada oo kulankan madaxtooyadu ku tilmaamtay inuu yahay mid horudhac u ah gogosha uu madaxweyne Xasan ku baaqay inay qabsoonto 15ka June 2025.
Madaxweynaha ayaa kulankaasi ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada rayidka, ay door muuqda ka qaataan qaabaynta mustaqbalka Soomaaliya.
“Haddii aan rabno in Soomaaliya ay hore u socoto, waa in aan ka dhaqaaqnaa meesha aan taaganahay oo aan ku raagaynay muddada dheer. Dimuqraadiyeynta dalka waa tiir muhiim u ah dowladnimada, waana in shacabka Soomaaliyeed siinaa fursad buuxda oo ay qeyb uga noqon karaan go’aan-qaadashada masiirkooda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu baahiyay bogga madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray inuu sii wadi doono kulammada isdaba-joogga ah ee uu la yeelan doono qaybaha kala duwan ee bulshada si loo xoojiyo isu diyaarinta gogosha, iyadoo wadatashiyadaasi ku saleysan yihiin danta guud ee Soomaaliya.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in kulammadan diiradda lagu saari doono arrimaha muhiimka ah ee horumarinta dowlad-dhiska Soomaaliya, sida hannaanka federaalka, dastuurka, doorashooyinka, iyo sugidda amniga, kuwaas oo dhammaantood ah tiirarka lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya.