Friday, May 2, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo Xuddun u Noqday Xasarad Siyaasadeed

Soohoyde

Tan iyo 15-kii Maarso 2025, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa hareeyay xaalad siyaasadeed oo cakiran, taasoo dhalisay buuq, dib u dhac iyo mooshinno ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Dhammaan arrimahaan waxay bilaabmeen kadib markii 15-kii Maarso, iyadoo ay xildhibaannadu fasax ku maqnaayeen, uu Guddoomiyaha Golaha xilka ka xayuubiyay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ku fadhiya kursiga HOP#201. Guddoomiyuhu wuxuu ku eedeeyay in xildhibaanku uu ka maqnaa laba kalfadhi oo xiriir ah iyadoo aan cudur daar la aqbali karo la heyn.

Sida uu sheegay Guddoomiye Aadan Madoobe, wuxuu ku saleynayo go’aankiisa Xeer-hoosaadka Baarlamaanka 11aad ee JFS, gaar ahaan qodobkiisa 8aad oo ka hadlaya sababaha xildhibaan ku lumin karo xubinnimada Golaha Shacabka. Qodobkaasi wuxuu dhigaya in haddii xildhibaan uu maqnaado labo kalfadhi oo xiriir ah asagoo aan bixin cudur daar la aqbali karo, uu lumi karo xubinnimada.

Arrintaasi waxay dhalisay khilaaf sharciyeed, waxaana xildhibaanno mooshin uga gudbiyeen guddoomiyaha, iyagoo ku dooday in uusan lahayn awood sharci ah oo uu kaligiis xilka kaga qaado xildhibaan. Sida ay sheegayaan, waa in talo soo jeedin ku saabsan luminta xubinnimada uu keenaa Guddiga Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka.

19-kii Abriil, qaar ka mid ah xildhibaannada BJFS ayaa furitaanka fadhigii ugu horreeyay ee Baarlamaanka kadib fasaxii,  so jeediyey in ay wadaan mooshin ka dhan ah go’aankii guddoomiyaha. Laakiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa mooshinka ku tilmaamay mid sharci-darro ah, isagoo diiday in uu qabto isagoona sida au ku furmi waayey kadib buuq ka dhashay arrintaas.

Haddaba doodda xildhibaanada ay adeegsanayaan muxuu ka qabaa Xeer hoosaadka?

Sida ku cad Qodobka 50aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, Guddiga Xeer-Hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka ayaa leh awood sharci ah oo la xirrita talo bixin ka jeedinta arrimaha ku saabsan luminta xubinnimada xildhibaanka.

Wuxuu sidoo kale talo ka bixiyaa tallaabooyinka anshax-marinta ee laga qaado xildhibaanada ku xad-gudba xeer-hoosaadka Golaha.

Xildhibaanadii mooshinka waday waxay sheegeen in guddoonku jebiyay Xeer-hoosaadka Baarlamaanka, gaar ahaan Qodobka 50aad, sidaas adaraadeedna uusan sii hogaamin karin golaha  oo ay moodhin ka wadaan.

27-kii Abriil, xildhibaannada mooshinka waday ayaa kulan kale yeeshay, waxayna sheegeen inay hayaan mooshin dhameystiran oo ay saxiixeen in ka badan 100 xildhibaan kaas oo ay ka wadana guddoonka kulanka u horeeyana ay baarlamanaka horgeenayaan.

2 maalin ka dib  kulankaas,  29-kii Abriil, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa soo saaray warqad uu go’aankii hore ee xil ka xayuubinta dib ugu celinayo Guddiga Anshaxa si ay talo uga keenaan xil waayidiisa, taaas oo ka dhigan in uu ka laabtay go’aankiisii hore.

Laakiin isla 29-kii Abriil, xildhibaannada mooshinka waday waxay sheegeen in warqaddaasi aysan sharci ahayn, maadaama aysan lahayn tixraac rasmi ah iyo saxiixa guddoomiyaha. Waxay arrintaasi ku tilmaameen marin habaabin uu guddoonku wado, sidaas darteedna ay ku adkeysanayaan mooshinkooda.

30-kii Abriil ayaa fadhigii Golaha Shacabka dib u furmay, iyadoo xildhibaannaddii mooshinka waday ay guddoomiyaha ku soo dhaweeyeen buuq iyo astaamo muujinaya diidmo. Fadhigaasi waxaa sidoo kale ka dhacay gacan-ka-hadal u dhexeeyay xildhibaanno, taasoo sii hurisay xiisadda waxaana ah keentay in guddmmoniyaha uu soo xiro kulanka.

 Ugu dambeyn, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa xalay amar ku bixiyay in 24 xildhibaan laga joojiyo ka qeybgalka fadhiyada Golaha Shacabka. Badi xildhibaannadaasi waxay ka mid yihiin saxiixayaasha mooshinka, waxaana dacwadooda loo gudbiyay Guddiga Anshaxa si go’aan looga gaaro.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here