Muqdisho (Dawan)- Qeyb ka mid ah, gabay uu abwaan Abshir Bacadle ka tiriyay, shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee 2000 ka dhacay Carta, Jabuuti, ayaa ahayd;
Yaan la is xaqirine beenta waa, laga xishoodaaye
Raggaa noo xanuunsaday dunidu, nama xasuusnayn dheh
Xeerbeegti Geeska Afrikay, xul u ahaayeen dheh
Garta xubinta lala eegto waa, ku xuddunnaayeen dheh
Gobta waa u Xeer inay go’aan, xagaf ku siiyaan dheh
Inna kama xishoodaan waxay, xaq u arkaayaan dheh
Oo waa ka xaaraan inay, u xagliyaan meel dheh
Waa ku xarragoodaan runtay, xagaf ku siiyaan dheh
Xaqi bay asiibeen cidnana, kama xishoonayn dheh
Xeer Cise sidii lagu bartay, ugu xarriigeen dheh.
Xeer Ciise, oo ah nidaam dhaqameed taariikhi ah oo ay ku dhaqanto beesha Ciisaha, ayaa si rasmi ah loogu daray Liiska Hidaha Dhaqan ee dhaxalka ah ee Qaramada Midoobay (UNESCO). Go’aankan ayaa lagu gaaray kal-fadhigii 19-aad ee Guddiga UNESCO u qaabilsan Badbaadinta Hidaha Dhaqan-aan-la-taaban Karin, kaas oo lagu qabtay magaalada Asunción, Paraguay, intii u dhaxaysay 2–7 December.
Waa Maxay Xeer Ciise?
Xeer Ciise waa nidaam sharciyeed dhaqameed ah oo muddo ku dhow 500 sano soo taxnaa, kaas oo si gaar ah ay ku dhaqanto beesha Ciise ee ku nool Somaliland, deegaanka Sitti ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyo koonfurta Jabuuti. Nidaamkani wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood oo waaweyn:
Xeer Bulsho – oo dejinaya qiyamka, anshaxa, iyo heshiisyada guud ee bulshada.
Dastuur Siyaasadeed – Nidaamiya awood-qaybsiga iyo go’aan-qaadashada bulshada.
Xeer Ciqaabeed – kaas oo xal looga gaaro khilaafaadka iyada oo loo marayo waan-waan iyo mag-dhaw.
Xeerka waxaa la adeegsadaa xilliyada lagu jiro colaadaha, iska horimaadyo awood sheegashada ah iyo waqtiyada amni darrada ay jirto , si bulshada looga ilaaliyo inay ku dhax faafaan falalka dilka, dhaca iyo qalalaasaha kale ee halista ku ah wadanoolashahooda.
Hannaanka Garta ee Xeer Ciise
Hannaanka lagu xalliyo garta ee Xeer Ciise wuxuu leeyahay 8 tillaabo oo muhiim ah, kuwaas oo dhaxal gal ah laguna soo dhaqmayay qarniyo:
- Aan fadhisanno – Sarajoog gar laguma qaado.
- Aan maqalno – Dhageysi hordhac ah oo loo sameeyo qaddiyadda taagan.
- Aan eegno – Hoos-u-galista dhibta iyo qiimaynta xaaladda.
- Aan dhagaysanno – Dhageysiga caddeymaha iyo marqaatiga .
- Aan isweyddiinno – Falanqeyn iyo is-weydiin aragtiyeed.
- Aan ka fiirsanno – Lafa-gurid qotodheer oo ku saabsan qadiyadda .
- Aan guddoonno – Gaarsiinta heshiis ama go’aan la isku wada raacsan yahay.
- Aan goynno – Go’aan kama dambeys ah oo la gaaro.
Xeer Ciise: Dhaqan isku xiray dowlado
Dowladaha Soomaaliya, Jabuuti, iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah uga shaqeeyay in Xeer Ciise lagu daro liiskan muhiimka ah, iyaga oo soo bandhigay feyl wadajir ah oo muujinaya muhiimadda hidahan dhaqan. Go’aankan ayaa ka turjumaya doorka qotada dheer ee Xeer Ciise ku lahaa isku-xirka bulshada Soomaalida ee ku nool Geeska Afrika.
Qaab-dhismeedka Xeer Ciise
Xeerkan waxaa hoggaamiya goleyaal dhaqameed, kuwaas oo kala ah:
Guddi (Golaha Odayaasha Xikmadda Leh) – Waxayn shaqadoodu tahay xallinta khilaafaadka.
Gande (Maxkamadda Sare) – Waxay ka garnaqda arrimaha waaweyn iyo dastuurka bulshada.
Ugaas – Hoggaamiyaha dhaqanka ee mideeya beesha.
Mirix – Taliyaha ciidanka iyo difaacaha bulshada.
Muhiimadda aqoonsiga caalamiga ah ee Xeer Ciise
Ku biiritaanka Xeer Ciise ee liiska dhaqamada aan la taaban karin waa guul taariikhi ah oo lagu muujinayo qiimaha ay leedahay xifdinta dhaqanka. Tani waxay tusaale cad u tahay sida bulshooyinka Soomaalida ugu guuleysteen ilaalinta dhaqanka iyo sharciyada dhaqameed iyada oo aan laga tagin waayihii hore ilaa maanta.
Xeer Ciise waxa uu sidoo kale tusaale u yahay sida hidaha dhaqameed ee Soomaalidu u yahay hanti qaran iyo mid caalami ah, waxayna tallaabadan furaysaa fursado kale oo lagu qori karo hidaha iyo dhaqamada kale ee Soomaalida.