Sunday, July 20, 2025

Soomaaliya oo shaacisay Dhaqangelinta Xeer-Nidaamiyaha Dareera-hoosaadka Batroolka

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Xeer-nidaamiyaha Dareera-hoosaadka Batroolka uu si rasmi ah u dhaqangeli doono 21-ka June 2025, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta 22 May 2025.

Xeerkan cusub ayaa qeexaya heerarka tayada, shuruudaha, iyo nidaamka sharciyeed ee lagu maareynayo dhoofinta, kaydinta, iyo qaybinta shidaalka iyo gaaska gudaha dalka.

Dowladdu waxay muddo hal bil ah siisay dhammaan ganacsatada khuseysa xeerkan, laga bilaabo 22-ka May ilaa 21-ka June 2025, si ay isugu diyaariyaan fulinta dhammaan qodobada uu xeerku farayo. Waxaa sidoo kale la faray inay si buuxda u buuxiyaan shuruudaha lagama maarmaanka u ah u hoggaansanaanta, si looga hortago cawaaqib xumo sharciyeed.

Go’aankaan ayaa daba socday kadib kulankii 21May 2025 ay yeesheen Wasaaradda Batroolka iyo daneeyayaasha batroolka iyo gaaska, kaas oo wasaradda ay sheegaty in  lagu muujiyay muhiimadda xeerkan uu u leeyahay hubinta tayada shidaalka la keeno dalka, taas oo gacan ka geysanaysa xoojinta maalgashiga, ilaalinta deegaanka, iyo kor u qaadista sumcadda Soomaaliya ee suuqyada caalamiga ah.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyntii ugu baaqday dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada inay si buuxda ula jaanqaadaan xeerkan cusub, si loo xaqiijiyo kobaca waara ee qeybta batroolka ee dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here