Baydhabo (Dawan) – Magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu qabtay doorasho lagu buuxinayo kursiga bannaan ee HOP187 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Doorashadaan oo ka dhacday hoolka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku loollamayay laba musharrax – Cali Maxamed Maxamuud iyo Caasho Abuukar.
69 ergo oo codeyn gacantaag ah sameeyay ayaa dhammaantood codkooda siiyay Ali Mohamuud Mohamed, sida ay shaacisay warbaahinta rasmiga ah ee Koonfur Galbeed.
Xildhibaanka cusub ee guuleystay, Ali Mohamuud Mohamed, ayaa khudbadiisii guusha ku sheegay inuu si hufan ugu adeegi doono bulshada uu metelo.
Kursigan ayaa bannaanaday kadib markii Cali Siciid Fiqi Xaaji Caweys loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed 27-kii Febraayo 2025.