Wednesday, May 14, 2025

Kulankii Golaha Shacabka oo Maanta Baaqday.

Soohoyde

Mogadishu, —Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta loo Madalsanaa  ayaa baaqday.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay baaqashada kulankii maanta, iyadoo fariin lala wadaagay xubnaha Golaha iyo saxaafadda lagu sheegay in kulankii maanta uu baaqday.

Lama shaacin sababta rasmiga ah ee baaqashada kulanka Xildhibaanada  golaha shacabka.

Kulankii isniinta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa  la marsiisayay akhrinta koowaad ee heshiiskii lagu dhisay Urur Goboleedka IGAD, iyadoo kulankaas uu si caadi ah u dhacay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sida caadiga ah kulamo yeesha saddex maalmood oo ka mid ah toddobaadka, kuwaas oo kala ah Sabti, Isniin, iyo Arbacada, Todobaadkaan, Golaha Shacabka ayaa  si toos ah laba goor u yeeshay kulan, hase yeeshee, maanta waa uu baaqday kulankoodii seddexaad.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here