Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka sare ee saddexda xisbi qaran ee Somaliland — WADDANI, KULMIYE, iyo KAAH, iyadoo kulankaasi si cad loogu cambaareeyay waxa lagu tilmaamay faragelin siyaasadeed oo ka imaanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war-murtiyeed rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland, madaxda siyaasadda ayaa si wadajir ah u muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabaan faragelin ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ku wajahan Bariga gobolka Sool. Waxaa laga digay in xiisaddaasi ay keeni karto qalalaase siyaasadeed oo saameeya xasilloonida guud ee gobolka Geeska Afrika.
“Dawladda Somaliland ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka inay si dhow ula socdaan hurinta colaadda uu Xasan Sheekh ka wado deegaanno ka tirsan Somaliland, taasoo halis ku ah qarannimada, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika.” ayaa lagu yiri bayaanka kulanka.
Sida lagu sheegya bayaanka hoggaamiyeyaasha xisbiyada ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda Sool ay khatar ku tahay nabadda deegaanka, isla markaana ay wiiqayso dadaallada Somaliland ee ku aaddan horumarinta dimuqraadiyadda iyo dhismaha dowladnimada.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya labo maalmood kadib markii ay kulmeen labada xisbi mucaarad ee KAAH iyo KULMIYE, kuwaas oo si gaar ah uga wada hadlay arrimaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xaaladda ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag Bari.