Muqdisho, Soomaaliya – Shir wadatashi oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ururrada siyaasadda ee diiwaangashan ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, kaas oo qayb ka ah diyaargarowga qabsoomidda Gogosha Qaran ee uu dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay.
Shirka waxaa soo qabanqaabiyey guddiga isku-dubaridka Gogosha Qaran, oo uu guddoomiyaha u yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud.
Wasiir Xasan ayaa kulankan ku tilmaamay shairka mid muhiim ah oo saameyn weyn ku leh mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, isagoo cadeeyey in ururrada siyaasadeed ee sida rasmiga ah u diiwaangashan ay yihiin qaybta ugu muhiimsan ee lagala tashanayo arrimaha amniga iyo siyaasadda ee Gogosha uu madaxweynaha ku dhawaaqay.
“Qolada ugu horreysa ee ay u badan tahay in lagala tashanayo gogosha siyaasadeed ee uu madaxweyne Xasan ku dhawaaqay, taasoo looga hadlayo xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee dalka, waxaan u aragnaa inay yihiin ururrada siyaasadeed ee si rasmi ah u diiwaangashan,” ayuu yiri Wasiir Xasan.
Wasiirka Cadaaladda ayaa xusay in kulankani uu muhiim u yahay sidii loo gaari lahaa heshiisyo siyaasadeed oo waara, lagana gudbi lahaa caqabadaha jira, si loo hirgeliyo nidaam cusub oo ururrada siyaasadda ah.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa diiwaangeliyey 30 urur siyaasadeed oo ka jira dalka, hase yeeshee waxaa jira ururro kale oo ay hoggaaminayaan madax hore dalka wax ka soo qabtay oo aan isdiiwagelin,kuwaas oo ka soo horjeeda siyaasadda hadda lagu wado dalka.
Shirkan ayaa qeyb ka ah wada-hadallada ay dowladda la yeelaneysay qaybaha kala duwan ee bulshada, maalmihii lasoo dhaafay iyadoo ujeedadeedu ahayd in la qorsheeyo madasaha wadatashiga qaran.