Sunday, September 7, 2025

Muqdisho oo Lagu Qabtay Xuska 76-aad ee Jamhuuriyadda Shiinaha

Soohoyde

Muqdisho (Dawan) – Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay munaasabad lagu xusayay 76-guuradii aas-aaska Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, iyadoo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin sare oo Soomaaliyeed iyo diblomaasiyiin caalami ah.

Munaasabadda waxaa soo qabanqaabisay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, waxaana kasoo qayb galay xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Sidoo kale, safiirrada dalalka caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa ka qeyb galay xafladda.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa lagu xusay xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo si gaar ah loogu hadlay iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo goobta khudbad ka jeediyay, ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u tixgeliso mabda’a Shiinaha ee “Hal Shiine,” isla markaana uu muhiim yahay in labada dal ay iska kaashadaan la-dagaallanka afkaarta gooni-u-goosadka iyo caqabadaha kale ee ka dhasha kala qaybsanaanta. Waxa uu si gaar ah u xusay kaalinta muhiimka ah ee Shiinaha uu ka qaato taageerada dhinacyada badan leh ee uu siiyo Soomaaliya.

Xuska sanad-guurada Shiinaha ee Muqdisho waxa uu ka tarjumayaa xiriirka sii xoogeysanaya ee labada dal, iyadoo taageerada Soomaaliya ee mabda’a “Hal Shiine” iyo go’aankii dhawaan lagu mamnuucay dukumentiyada socdaalka ee Taiwan ay Shiinaha u noqdeen calaamad muujinaysa mowqif mideysan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here