Garowe, Puntland — Xuska maalinta deegaanka adduunka ayaa maanta laga xusay magaalada Garwoowe ee Puntland, iyadoo xuskan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland. Xuskan sanadwalba ayaa laga xusaa caalamka si loo xoojiyo wacyigelinta iyo ilaalinta deegaanka.
Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddalka Cimilada Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in amarro ay soo saartay wasaaradda darteed loo waayay qof keentay qoryaha xaabada, iyadoo markii hore qiimo ahaan xaabadu ahayd lacag $60 ah, haddana ay marayso lacag dhan $200.
“Waxaan ku faraxsannahay wareegto aan soo saarnay labo bilood ka hor oo mamnuuceysay xaabada in la keeno, oo weliba si gaar ah aan tijaabo ahaan ugu qaadanay magaalo madaxda, si aan u ogaano saamaynta ay ku yeelan karto marka magaalooyinka kale la keeno, markii hore $60 ayuu joogay halkii gaari ee xaabada lagu keeno, hadda wuxuu joogaa $200,” ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa ka qeyb galay xuska, isagoo ku bogaadiyay Wasaaradda Deegaanka dadaalka ay wado, gaar ahaan ololaha lagula dagaalamayo isticmaalka bacaha iyo caagadaha oo sanadkan noqday halbeegga xuska Maalinta Deegaanka. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan hay’adaha Puntland ay si dhow ula shaqeeyaan wasaaradda si loo xaqiijiyo badbaadinta deegaanka, taas oo muhiim u ah nolosha bulshada.